Soomaaliya oo Beenisay in ay Imaaraadka kala Saxeexdeen Heshiiska Dekeda Berbera

0
347

Muqdisho (Dawan)- Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Soomaaliya, ayaa beeniyay in ay kala saxeexdeen dawladda Imaaaraadka Carabta heshiiska Berbera, waxaanay waxba kama jiraan ku tilmaamen hadalkii wasiiru dawlaha dawladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ee Xukuumadda Madaxweyne Framaajo, Axmed Ciise Cawad ayaa mid kastaaba dhankiisa u beeniyay in uu jiro wax heshiis ah  oo ay kala saxeexdeen dawladda Imaaraadka Carabta iyo xukuumadihii ay ka kala tirsanaayeen ee Soomaaliya.

Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca  ka qaaday in aanu jirin Wax hashiis oo dawladda Imaaradka Carabta ay  kala gashay dawladdihii kala dambeeyey ee Soomaaliya arrimaha horumarinta dekedda iyo saldhiga millatari ee magaalada berbera

Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in arrintaasi ay sabab u tahay khilaafka   ka dhex taagan dawladda farmaajo iyo Imaaradka Carabta waxaanu siddaa ku sheegay Waraysi uu siiyey telefashanka Horn Cable TV “haddii uu jiri lahaa hashiis ay xukumadda Soomaaliya gashay oo magaca dawladda Soomaaliya lagu galay buuq muu jireen ee dawladda Soomaaliya way ixtiraami lahayd hashiiska , Imaraadku nama tusin wax hashiis ah oo ay dawladdihii federaalka Soomaaliya la galeen.” ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad waxa uu sheegay in khilaafka ka dhexeeya Imaaradka iyo Soomaaliya uu salka  ku hayo hashiiska ay Somaliland la gashay Shirkada DP World iyo dawladda Imaraadka isga oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Khilaafkayagu wuxuu ka bilaabmay hashiis la saxeexay oo la yidhi Imaaradka, Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxeexday, saxeexaas ayaa lagu dhawaaqay xilli uu Rayal-wasaaraha Soomaaliya joogay Dubai oo kulamo la qaatay madaxda iyo dhaxal sugaha dalka Imaaradka, dawladda Soomaaliya waxay tidhi heshiiskaasi nama soo marin mana yeelayno, sababta oo ah waxa uu meel ka dhac ku yahay qarannimada Soomaaliya.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo meesha ka saaray in uu jiro wax lug ah oo ay ku leedahay dawladda Soomaaliya heshiisyada ay dawladda Imaaraadka Cabarta iyo Shirkadda DP-WORLD ay la gashay Dawladda Somailand.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caddeeyay in aanu jirin wax heshiis ah oo ay dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa ay  la gashay dawladda Imaaraadka Carabta oo  la xidhiidha arrimta Berbera, waxaanu yidhi “Annagu waxba kalama socono mana ogin heshiiskaas, mana jirto in dawladda Imaaratka Carabta ama cid kale ay arrintaasi nagala hadashay. wixii horumar ah ee dadka reer Somaliland ay gaadhayaan raali ayaanu ka nahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply