“Anigaa Goob-Joog ka ahaa Heshiiska Waxaana Kala Saxeexday Somaliland iyo Imaaraadka” Faysal Cali Waraabe

0
277

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe  ayaa beeniyay  in dawlada Soomaaliya saxeexday  heshiiska ay wada galeen dawlada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee  Shirkad  DP World ku maalgelinayso dekeda Berbera.

Faysal Cali  Waraabe oo warbaahintu wax ka waydiisay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay wasiiru-dawlaha arimaha dibedda dalka Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ee uu  kaga hadlay maalgalinta Shirkada DP World  ku samaynayso dekeda Berbera.

Guddoomiye Faysal waxa uu intaa ku daray in heshiiskaa uu goob joog ka  ahaa isla markaana ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, meel ay Soomaaliya ka soo gashayna aanay jirin. Sidoo kale waxa uu tafsiir ka bixiyay hadalkii Wasiirudawlaha Imaaraadka Carabta waxaanu yidhi “Wasiiru-dawlaha arimaha dibedda ee Imaaraadka Carabtu wax qalad ah kuma hadlin, is-faham ayaanu kala yeelanay Soomaaliya  ayuu yidhi, is-faham kaasina wuxuu   ahaa shirkii ka dhacay  Istanbul  oo ahaa   in Somaliland iyo Soomaaliya  aanay carqaladayn    wixii horumara ee laga samaynayo labada dal, laakiin waxay saxeexday Soomaliya ma jirto  oo aniga ayaa goob ka ahaa heshiiskaas  ee waxa kala saxeexday Somaliland iyo Imaaraadka Carabta,  wax la buunbuuniyo maaha heshiiskaasi,

Sidoo kale  Faysal  Cali Waraabee waxa wax laga waydiiyay xadhiga Niciima Qorane, waxaana uu yidhi “anigu  hadaan madaxweyne ahay  waan dili lahaa Niciima Qorane,  sharciga ayaana la marinayaa  qofkuna Soomaaliya wuu tagi karaa laakiin in ay ka hadasho Soomaaliwayn  iyo wax aan jirin looma baahna. mana aha dalka in  la dumiyo  qofkii sharciga dumiyana waa la xidhayaa”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply