Xukuumadda Somaliland oo Imaaraadka ka Dalbatay Inay Saxdo Warkii Wasiirkooda

0
301

London (Dawan)- Xukuumadda Somalilad,ayaa dawladda Imaaaraadka Carabta ka dalbatay in ay saxdo warkii wasiir-u-dawlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ee uu ku sheegay in ay Soomaaliya kala saxeexdeen heshiisyada Berbera.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa caddeeyay in heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo dawladda Imaaratka Carabta aanay cid saddexaad ku wehelinayn saxeexiisa.

Sidoo kale wasiir Sacad waxa uu sheegay inay dawlada Imaaratka Carabta ay ka sugayaan bayaan la xidhiidha halka ay arrintan ka keeneen, waxaanu sidan ku sheegay wareysi uu siiyay Tv-ga HCTV

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Arrinka ku saabsan heshiiska annaga iyo Imaaraadka, heshiiska aynu labada dhinac ku saxeexnay cid kale oo wax saxeexday oo saxeex meel ku lihi ma jirto, wax  isfaham la yidhaana  ma yiqiinsanin waayo Soomaaliya waxay ku leedahay baan jirin ba, arrinkana waa arrin ka dhaxeeya dawladda Somaliland iyo Imaaratka oo shacabka uga masuul ah”

Dhanka kale Dr. Sacad waxaa uu sheegay inay codsanayaan in  bayaan  ay dawladda Imaaraadku Somaliland ka siiso arrinkani waxaanu yidhi “Run ahaantii bayaan ayaanu jecelnahay inay naga siiyaan arrinkaasi, oo mid jira aan aheyn, bayaana waanu weydiisaneynaa, mararka qaarkood waxaa afka laga yidhaaho iyo xaqiiqadu isma waafaqaan, qofkuna wadciga siyaasiga ah ee markaa jira isaga oo tixgalinaya inuu sheego wax aan dhab aheyn”

“Arrinta ah meesha ma khiyaamo ayaa jiray mise khiyaamo may jirin oo Somaliland iyo Imaaratka uunbaa kala saxeexday? Cidkale oo ku saddexaysay Imaaraadka iyo Somaliland may jirin anaguna ninkii yidhi tafaahum ayaanu la galay bayaan ayaanu ka dooneynaa halka arrinkaasi ka yimid heshiiskana kumay jirin cid kale ayaa heshiis lagala gelayaa, cid kale oo saxeex ku laheydna may jirin markaa arrintaasi sidii loo sixi lahaana Imaaraadka ayaa looga baahan yahay heshiiska aanu la galay dawladda Imaaraadka cid kale oo nagu wehelineysay may jirin”Ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire wasiirka wasaaradda arrimaha dibadu

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply