Hay’adda Shaqaalaha oo Gacanta ku Haysa Kala Shaandhaynta Xogtii ugu Badnayd

0
274

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dawladda Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa ka hadlay hawshii tirakoobka shaqaalaha dawladda ka dib tallaabooyinka ay qaadayaan iyo halka ay u marayso kala haadinta xogtii shaqaalaha ee ay soo ururiyeen muddadii 70 maalmood ahayd ee ay dalka oo dhan shaqaalaha dawladda ku soo tiro koobeen.

Waxaa kale oo uu ka hadlay shaqaalaha aanay u suuro gelin in ay galaan tirakoobkii madaxtaabashada shaqaalaha dawladda iyo fursadda ay haystaan inta dariiq sax ah ku maqani. Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay muhiimadda hawsha ay soo qabteen iyo waxtarka ay qaran ahaan Somaliland u leedahay,ayaa yidhi. “Shaqaalaha dawladda waxaa laga soo xareeyey xogtii ugu badnayd abid ugu dambayna waxay yeesheen kayd aan dib loogu hawshoon doonin kala hufiddan oo maalmo kooban socon doonta kadib, waxaa la heli doonaa kaalmaha tartanka loo geli doono sidoo kale shaqaalaha dawladda waxaa looga jawaabi doonaa intii baylah ama baahi laga soo arkay.”

Guddoomiye Sharmaake Waxaa uu caddeeyay in ay imika gacanta ku hayaan kala saarid iyo kala hufidda shaqaalaha dabadeed ay soo saari doonan natiijo wax ku ool ah “qodobadaas oo dhan waxaa lagu ogaan doonaa marka kala hufiddu dhammaato Insha Allah…. imika waxa aanu shaacinay in aan soo dhammaynay diiwaangelintii iyo dib-u-eegista intii cabasho la timi ama cudur daar ku maqnayd maalmihii wasaaradd walba loo asteeyey… Insha Allah marka kala hufiddani soo dhammaato ayey wax badan soo kala bixi doonaan” ayuu yidhi.

Guddoomiye Sharma’arke oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Shaqaale walba waxaa laga soo waraystay dhinacyada; xogtooda qofeed, sooyaalkooda waxbarasho, heerka xirfaddiisa, hubinta in derajada iyo aqoon ama xirfad waxa uu leeyahay iyo isu dhigmaan shaqada uu hayaa, hannaanka mushaharku u soo gaadho, helidda gunnooyinka kala duwan, cabasho ama codsi waxa ay hayaan iyo sidoo kale talo ama tilmaan waxa uu bixinayo IWM”

Guddoomiyuhu hay’adda shaqaalaha dawladda  ayaa markii ugu horaysay ka hadlay  shaqaalaha ka  maqan xog uruurinta iyo asbabahooda cudurdaar  “Inta cudur daar cad ku maqan waxaanu ogolaan doonaa marka la keeno caddaymo buuxa oo muujinaya in uu wax cad ku maqan yahay , Wasaaradda marka la soo saaro inta ka maqan, ayaa loo kala saari doonaa in fasax waxbarasho ama cudur daar caafimaad ku maqan  waxaana  ugu dambayn soo bixi doonaa inta midna ku maqnayn” ayuu yidhi

Gudashada waajibadkan qaran ee qaataya 70 maalmood ayaa noqonaaya  hawshii ugu balaadhanay  ee lagu oogaado shaqaale weynaha  ku nool afarta gees ee dhulka ay ku fidsan tahay Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo Sharmaake Geelle iyo kooxdiisu  noqoyaa masuuliyintii madaxa u ritay culayska iyo baaxada hawshaa qaran .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply