Somaliland: Qaran Hirgeliyay Dhaqan Aan Afrika ka Suuro Gelin Caalamkana Xujo ku ah

0
289

Laga soo bilaabo qaarada Afrika markii ay ka xorowday gumaysiga oo bilaabmay sannadkii lixdamaadkii ee qarnigii tegay waxaa qaarada Afrika hadheeyay oo nidaamkeeda maamul uu gacanta u galay kooxo millatari ah oo gudhiyay in qaaradan la gumaystay ay qaaddo tubta toosan ee hannaanka maamul wadaaga ah iyo in talada dadku ay yeeshaan oo waxay doonayaan oo kali ahi ay ka suura gasho.

Waxa kale oo qaarada la degay dagaalo sokeeye iyo colaado aan dhammaad lahayn oo la bilaabmay xorriyaddii laga helay gumayteyaashii reer Yurub.

Waxaanay dadyawga qaaraddu noqdeen kuwo ku hoos nool maamullo keli talis ah oo hadba siday doonaan oo keliya talada dalalkooda inta badan u maamula waxaanay dadka qaaradu noqdeen kuwo ku nool cabsi iyo xadhig joogto ah oo loo adeegsado cid kasta oo ka hor timaada nimaadmka maamul ee dalkaas ka jira.

Haddaba, waxay is waydiintu tahay qaaradan kelitaliska iyo dagaalada sokeeye ay hadheeyeen ee ay caalamka intiisa kale ka reebeen ma jiraa dal iyo dad ka soo dhex baxay oo la yimi nidaam ka duwan ka shucuubta Afrika ay ku nooshahay.

Jawaabtu waa haa oo way jiraan waxaana ugu horreeya oo ugu dimuquraadisan dalka Gana oo ah dalka ugu horreeya dhanka doorashooyinka iyo dimuquraadiyadda oo Afrika kaga duwanaaday qalalaasaha dalalka kale oo dhan ragaadiyay.

Dal kale ayaa jira oo caalamuku indhaha ka xidhay oo noqonaya dalka labaad ee Afrika ugu dimuquraadisan oo leh hannaan ku dhisan kalsoonida iyo codka dadweynaha oo suura galiyay dhaqan dhammaan dalalka Afrika marka laga reebo Gaana inta kale oo dhan kaga horreeya, laakiin caalamku dalkaas way illaaween waxaanay kaalinta labaad ee dimuquraadiyadda Afrika siiyaan dalka Koonfur Afrika oo dhawr iyo sagaashankii ka baxay gumaysi midab takoor ah isla markaana muddo badan uu ka talinayay caddaanka oo ah dadka ugu tirada yar dalkaas laakiin muddo badan xoog iyo awood kaga talinayay.

Caalamku waxay la shaqeeyaan dalalka ugu daran ee dimuquraadiyadda lagu sadqeeyay ama aanay kaba hana qaadi karin halka dalka ugu dimuquraadi san aanay ka hir gelin tallaabooyin badan oo uu qaaday qaran caalamku duudsiyay xuquuqdiisa dalnimo

Somaliland waxay xorriyadeedda la soo noqotay oo ay kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliweyn 1991 waxaana lagu dhawaaqay 18 May ee isla sannadkaas in Somaliland ay tahay qaran dib u soo ceshaday madaxbannaanidii 1960-kii 26 June ay ka qaadatay mustacmaradii boqortooyada Ingiriiska.

Laga soo bilaabo maalintaas waxay Somaliland ay qaadday jid ka duwan dariiqyadii ay qaadeen dawlahada Afrika, la soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku timi halgan dheer oo dagaal oo ay soo gashay jabhaddii hubaysnayd ee SNM oo dagaal la gashay maamulkii kelidii taliye Siyaad Barre oo dal iyo dadba baabiiyay Somaliland, xasuuq ba’anna ka geystay guud ahaan gayiga Somaliland, ayaa markii ay SNM dalka xoraysay waxay markiiba iyadoo aanay dadku hubkiiba dhigin ay isugu yeedhay dhammaan beelaha Somaliland wada dega oo wadaaga dal, diin dhaqan iyo dhalasho intaba, laakiin taliskii dhiigyacabka ahaa ee uu hoggaaminayay Siyaad Barre uu hab qabyaalad ah u kala qayb qaybiyay, isla markaana colaad deegaameed uu doonayay in uu ku kala fogeeyo dadka walaalaha ah uu kala dhex dhigay si nidaamkiisa dhiig ku noolka ahi uu u sii jiro, ayay SNM dawadiisii heshay oo waxay shirwaynihii ugu horreeyay ee beelaha Somaliland wada lihi ay isugu yimaadaan ay ku qabatay magaalada Burco ee Xarunta gobolkaTogdheer.

Waxaana shirweynahaa koobaad ka soo qayb galay guud ahaan waxgaradka iyo hal-doorka iyo madaxdhaqameedka Somaliland dhammaantood, waxaana la isku raacay oo la wada guddoonsaday in Somaliland madaxbannaanideedii lixdankii ee 26 June ay ka qaadatay mustacmaradii Ingiriiska in ay la soo noqoto isla markaana xorriyadeedii dib u soo ceshato kana baxdo midawgii xorriyadeeda ka dib ay la gashay Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysanayay, midawgaas oo aan wax shuruud ah lahayn isla markaana ay Somaliland ku doonaysay in la helo midnimada shan Soomaaliyeed oo hal dawlad noqda, laakiin ay taasi socon wayday oo ay keli ku noqdeen doonista Soomaaliweyn Somaliland iyo Soomaaliya halkaasna waxaa ku siqiiray doonistii iyo himiladii shan Soomaaliyeed oo wax wada yeesha, waxaa kale oo ay Somaliland ka dhaxashay midawgii Muqdihso oo keliya ay la gashay xasuuq iyo dagaal iyo dhac intaba taas oo sabab u noqotay in Somaliland ay mar kale isu tashato oo ay si bilaa shuruud ah ula oo noqoto qarannimadeedii ay xorriyaddeedii ka dib hogga ku tuurtay..

Xilligaas, ayaa Burco lagu soo dhisay dawladdii ugu horraysay ee Somaliland oo ay soo dhiseen waxgaradkii iyo ergadii shirwaynihii koobaad ee Somaliland waxaana la isla qaatay in hoggaanka dawladda muddo laba sano ah la siiyo oo ay xukunka dalka hoggaamiyaan ururkii SNM iyadoo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali(Cabdiraxmaan Tuur) iyo Xasan Ciise Jaamac oo isu ahaa guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeenkii SNM.

Somaliland maalintaas ayay qaaday jidkii dimuquraadiyadda Somaliland waxaanay taasi horseeday in ay nabad iyo caddaalad ku gaadho guulo aanay suuragal ahayn in uu ku tallaabsado qaran dagaal ka soo doogay oo aan caalamka gacan taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba aan ka helin oo aan la is garab taagin.

Somaliland waxaa ka qabsoomay lix doorasho oo aan midna la mid noqon doorasho ku sheegyada qaarada Afrika ka dhaca, waxaanay lixda doorasho ee Somaliland ka hirgalay ay kala ahaayeen laba doorasho oo dawladaha hoose ah isla markaana lagu oo doortay xubnaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka dalka iyo sadex doorasho Madaxtooyo oo ay xilalka kula kala wareegeen Sadex Madaxweyne oo xisbiyo qaran tartan ku kala calaf qaaday. Iyo hal-dooraho oo lagu soo doortay xildhibaanada golaha wakiiladda ee dalka.

Waxaa kale oo u qorshaysan sannadka soo socda horraantiisa in la qabto doorashooyinka golaha wakiilada iyo dawladaha hoose.

Dalalka qaarada ee sadqeeyay Dimuquraadiyadda ee caalamku la shaqeeyo

Waxaa qaarada Afrika ka dhacay sanadihii u dambeeyay tallaabooyin dimuquraadiyada lagu sadqeeyay laakiin aanay beesha caalamku u arag in ay dhibaatooyinkaasi yihiin kuwo ka hor imanaya in dalalka qaaradda cagaaran ay taladoodu ku noqoto dadyawgooda oo ay soo dooran karaan hadba cidda hoggaaminta ay u gartaan iyagu laakiin beesha caalamku waxay gacan iyo taageero siiyaan madaxda codka dadkooda ka dhigay waxba kama jiraanka ee iyagu siday doonaan oo keliyi ay ka socoto dalalkooda.

Dalka Masar waxaa ka dhacday doorashadii ugu horraysay ee dadka dalkaasi ay ku soo doortaan Madaxweyne qaran oo cod dadweyne ku soo baxa taas oo uu ku guulaystay Madaxweyne Maxamed Mursi oo isaga oo ah Madaxweyne la soo doortay, ayaa inta la inqilaabay xabsi la galiyay ka dibna dil lagu xukumay oo muddo sanado badan ah la soo mariyay maxkamado badan oo midba mar dil ku xukuntay, walina xidhan oo uu maxbuus ku ah dalkii laga soo doortay isla markaana dil suge ku ah, taas oo meesha ka saartay Masar in ay ka hana qaado wax la yidhaahdo Dimuquraadiyad, taa bedelkeedana waxaa noqday in aanay jiri karin cid dambe oo iska sharrixi kartra oo cod dadweyne soo hungurayn kara, waxaana dalkaa ka dhacday doorasho dambe oo ninkii dalka inqilaabka ku qabsaday uu kelidii tartamo, laguna dooorto boqolkiiba sideed iyo sideetan, beesha caalamkuna waxay la shaqaysaa dawladda inqilaabka ku timi ee madaxweyne la doortayna dilka ku xukuntay, laakiin waxay is waydiintu tahay beesha caalamku dimuquraadiyada iyo kali talisnimada ma marba ta dantoodu ku jirto ayaa sax la ah?

Waxa kale oo qaarada ka dhacay Madaxweyneyaal meeshaba ka saaray in dalalkooda wax doorasho ah laga qabto oo gaadhay in ay ku talo galaan inta ay nool yihiin in ay dalalkooda iyagu madax ka ahaadaan isla markaana meesha ka saaray qodob dastuurkooda ku qornaa oo wakhti go’an u xaddidayay in qofku madaxweyne ka noqdo dalka ama u tartamo, waxaana ka mid ah dalalka Madaxweyneyaal in ay sii joogaan dastuurkooda loo bedelay ee qalalaasaha siyaasadeed galay isla markaana kacdoono dadweyne iyo muddaharaaddo ka dhacay ay sababeen dhimashada dad badan oo ay ciidamada dalalkaas iska hor yimaadeen dalalka Burundi, Kongo Dimuquraadi iyo dalal kale.

Waxaa kale oo qaarada ka dhacay Madaxweyne doorashada lagaga guulaystay in uu diido natiijadii uu aqbalay isla markaana ay sababtay in Madaxweynihii la doortay uu dal kale u baxsado oo dalalka ay deriska yihiin ay soo faro geliyeen oo ay awood millatari markii ay isku dayeen in ay u adeegsadaan uu baxsaday madaxweynihii laga guulaystay.

Dalka Gambia waxa ka dhacday doorasho lagaga guulaystay Madaaxweynihii xilligaa dalkaas ka taliyay oo ahaa Yaxya Jamac laakiin intuu ogolaaday natiijada ayuu maalin ka dib la yimi war kii hore ka duwan waxaanu sheegay in uu isagu ku guulaystay doorashada taasina waxay sababtay Adama Barraw oo doorashada ku guulastay in uu dalka ka baxsado oo uu galo waddanka Sinigal iyadoo safaaradda dalkiisu ku leeyahay caasimadda Sinigal lagu soo caleemo saaray.

Waxaa kale oo ka dhacay isla qaarada gaar ahaan dalalka Geeska Afrika ee ay Somaliland ka wada tirsan yihiin IGAD dalka Kenya laba doorasho madaxtooyo oo ka dhacay midi waxay sababtay in dhiig badani uu ku daato ka dibna labadii nin ee Madaxweynenimada u tartamayay in la dhex dhexaadiyo isla markaana la joojiyo dhiigii daadanayay iyo in dalka jiritaankiisa la badbaadiyo oo caalamku soo dhex galo taasina waxay sababtay in labadii nin ee in midkood kursiga ku fadhiisto ay nafaha badani u bexeen in la iskaga dhigo Madaxweyne iyo Raysal-wasaare.

Doorashiii taa ka dambaysay ee isla dalkaasina waxay sababtay in isku dhacyo kale dalkaas ka dhacaan isla markaana natiijadii soo baxday lagu kala dhaqaaqo illaa ay gaadhay in Maxkamadda sare ee dalkaasi ay laasho doorashadaas iyada oo amartay in mid dambe la qabto iyadoo tii labaadna ay mucaaridku qaadaceen iyagoo aan ka qayb gelina ay qabsoontay markii la dhaariyay Madaxweynaha Kenya waxaa isna is caleemo saaray hoggaamiyihii mucaaridka waxaaana dhacday in caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ay wada joogeen oo ay ku wada noolaayeen laba nin oo midna isagu is dhaariyay midna Maxkamadda sare ee dalkaasi ay dhaarisay oo labaduba sheeganaya in ay dalka Madaxweyne u yihiin.

Haddaba iyadoo guud ahaan qaarada Afrika ay dimuquraadiyad la’aantaa iyo cabudhintaasi ay ka jirto ayay Somaliland noqotay dalka iyadoo aan la aqoonsan beesha caalamkuna aanay wax taageero ah u fidin dal qabsaday lix doorasho oo aan hal midna lagu kala tegin isla markaana loo wada hoggaansamay markii ay natiijadu soo baxday ee gudiga doorashooyinku ay ku dhawaaqeen xisbiga iyo musharixiinta guulaystay, la isuna hambalyeeyay maxay beesha caalamku u go’doominaysaa ee ay u qiri wayday qarannimada iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 27-ka. sano ee ay jirtayba horumarka iyo wax wada qabsiga ku jirtay ee noqotay cad-ceed dimuquraadiyadda Afrika ku dhimatay u soo baxday ee nuurkeedu ifay islamarkaana dunida tustay in Afrika ay ka hir gelikarto dimuquraadiyaddu haddii la helo madax u hoggaansan rabitaanka dadweynaha islamarkaana lagu boqri karo laguna ridi karo codka dadweynaha madaxda hannaanka hal qof iyo hal codna uu noqon karo midka keliya ee dalka lagu hago.

Somaliland waa dalka keliya ee ay ka suura gashay dhaqan aan ka jirin Afrika iyo Eeshiya iyo Laatiin Amerika isla markaana Yurub iyo Amerikana ay ka dhacday dhawr dal oo kooban oo uu hormuud u yahay Maraykanku taasoo ah in musharixiinta xisbiyada ee tartamayaa in ay doodaan oo loo qabto dood furan oo dadweynuhuna ay goob joog ka noqdaan isla markaana su’aalo xor ah oo madaxbannaan oo aanay sii ogayn musharixiintu la waydiiyo iyadoo musharixiinta asxaabta ee tartamaysa midkasta wax laga waydiinayo nooca dawladda uu dhisayo haddii uu guulaysto xaaladaha dalka ka jira ee ugu hadal haynta badan oo su’aalo laga waydiinayo iyo xisbi kasta iyadoo la su’aalayo haddii uu doorashada ku soo bixi waayo wuxuu yeelayo iyadoo madaxda asxaabta qaranka ee Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ee u tartamayay jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenaduba ay caddeeyeen in ay diyaar u yihiin guul iyo guul darro labadaba isla markaana ay ku qancayaan wax kasta oo ka soo baxa doorashada ay u tartamayaan oo iyadoo dhinac waliba uu muhiimadda koobaad siinayay in xisbigiisu guulaysto in ay ka wayn tahay Somaliland qarannimadeedu, diyaarna ay u yihiin in ay u hoggaansamaan waxa ka soo baxa doorashada Maadaxtooyada ee ay dadweynaha Somaliland taladeeda leeyihiin kuna go’aamiyaan codkooda.

Haddaba beesha caalamku dimuquraadiyadda ay dalal badan oo caalamka ah ay ku dhaleeceeyaan in aanay u hoggaansamin oo aanay ku dhaqmin haddii ay Somaliland oo aan la aqoonsan waxna aanu caalamku tarin haddii ay fulisay oo ay hir gelisay iyadoo la ogyahay xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliyadii ay lixdankii la midawday 91-kiina. Ay kala soo noqotay qarannimadeeda iyo sida uu caalamku iskugu hawlay iyo tobannaanka shir ee dalalka kala duwan ugu qabteen iyo taageerada aan qiyaasta lahayn ee ay la dul taagan yihiin maxaa Somaliland loogu aqoonsan la’yahay qarannimadeeda loona ictiraafi waayay.?

Iyadoo su’aashaasi ay tahay xujo hor taalla beesha caalamka ee dimuquraadiyad u hadalka ah waxaa la odhan karaa beesha caalamku ma wax aanay raalli ka ahayn ayay Somaliland la timi oo ah in qaaradda Afrika dalalkeeda mid kastaaba uu tashan karo oo aan dusha lagaga keeni karin wax aanay iyagu raalli ka ahayn, ma Afrika in ay dimuquraadi noqoto ayaan looba ogolayn oo Somaliland lagu diiddan yahay.

Haddii aanay jawaabtu ahayn Afrika in ay tashato ayaan loo ogolayn waan in beesha caalamku sida ay xaqiiqadu tahay ay u hoggaansantaa oo ay aqoonsi buuxa Somaliland ugu dhawaaqaan, haddii laga dhego adaygana waxay arrinta Somaliland noqonaysaa bilawgii qaaradda Afrika ay ku ogaanaysay in wax qabsigeeda iyo ummadnimadeeda lagu xaqirayay waxaanay dalalka qaaradu ku baraarugi doonaan in ay dib isugu noqdaan oo ay wax iska waydiiyaan sababta ay iyagu Somaliland u aqoonsan waayeen ee ay uga war sugayaan dalalka awoodda caalamka maanta u ah, waxaanay Somaliland noqon doontaa dal Afrika ay wax ka barato isla markaana ay ictiraafaan.

Somaliland oo dalal badan imikaba xidhiidh dublamaasiyadeed la leh oo ay wada shaqeeyaan dawlado badan oo caalamka ah, ayaa saaxiibka ugu dhawi noqon doonaa dalka ugu horreeya ee qira qarannimadeeda isla markaana ka jawaaba xujada ay caalamka ku tahay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply