Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sheegay in ay Xoojinayaan Wada-shaqaynta Hay’addaha

0
518

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda  Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ay xoojinayaan wada-shaqaynta ka  dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee dalka ku sugan.

Dr. Sacad Cali Shire oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay baadhitaan ku hayaan raadka meesha uu ka yimid hadalkii ka soo yeedhay  wasiirul dawlaha arimaha dibada ee dalka Imaaraaraadka Carabta ee uu ku sheegay in ay dawlada Soomaaliya is fahan ka gaadheen heshiisklii ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee shirkada Dp World ku maalgalinayso dekeda Berbera.

Ugu horayn wasiirka oo  wax laga waydiiyay  in ay jiraan hay’ado ka baxaya dalka, ayaa tilmaamay in aanay jirin hay’ado ku wargaliyay wasaaradadiisa in ay dalka ka baxayaan, waxaanu yidhi “Hay’ado si rasmiya noogu soo qoray in ay  ka  guurayaan Somaliland runtii ma jirto, xaqiijin ayaanay u baahantahay arrintaasi. laakiin runtii meel kasta xafiisyo ha ku yeeshaan hay’aduhu,  inagu Somaliland ayaynu nahay  ee Soomaaliya ma nihin, waxaana mihiima in aynu xoojino wada shaqaynta inaga dhaxaysa hay’adaha,  ha ahaadan kuwa  qaramada midoobay  ama ha ahaadan kuwa NGO-yada ah.”

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in madaxda dawladda Soomaaliya ay ka markhaati fureen in aanay saxeexin heshiiskii ay wada galeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo dawlada Somaliland ee shirkada Dp World ku maalgalinayso dekeda Berbera, waxaanu yidhi “Hadalkii uu yidhi wasiirul dawlaha arimaha dibada ee Imaaraadka Carabta ee ahaa in dawlada Soomaaliya ay is afgarad ka gaadheen heshiiskii ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee shirkada Dp World ku maalgashanayso dekeda Berbera, wali raadkiisii  waa la la’yahay,  waxaana inoo markhaati furay  in aanay arinkaasu jirin madaxdii Soomaaliya oo Xasan Sheekh ka mid yahay  iyo Cabdirashiid ayaa ka hadlay markaa arinkaasu maaha mid raad leh”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply