Qore Khadar M. Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, Marwo Milgo Maxamed Sanbalooshe, ayaa shaacisay in 80% carruurta darbi-jiifka ah ee laga soo ururiyey magaalada Hargeysa ay yihiin Itoobiyaan, iyadoo sheegtay in qaar badan oo ka mid ahi haystaan kaadhadhka qaxoontiga, waalidiintoodna magaalada ku nool yihiin.
Wasiirku waxay sheegtay in xogtan lagu ogaaday olole habeenimo oo Wasaaraddu ka samaysay goobaha ay carruurta darbi-jiifka ahi ku hoydaan, iyadoo hal mar laga soo ururiyey 128 carruur ah, kuwaas oo 100 ka mid ahi ahaayeen Itoobiyaan, sida ay sheegtay. Waxaaney tidhi. “Carruurta darbi-jiifka ahi 80% waa dadka inooga imanaya dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Maalin dhaweyd waxa aanu ururinay 128 carruur ah, waxaanu geynay Xarunta Darbi-jiifka ee Maxamed Mooge; 28 mooyaane, 100-ka kale waxay ahaayeen Itoobiyaan.”
Milgo Maxamed Sanbalooshe waxay sheegtay in dib-u-eegis lagu sameeyey 100-ka carruur ah ay muujisay inay waalidiintoodu magaalada deggan yihiin, balse carruurta aanay si buuxda ula socon, iyadoo dhammaantood, sida ay sheegtay, haysteen kaadhadhka qaxoontiga. Waxaaney tidhi. “Dhammaantood waxay noqdeen carruur waalidkood magaalada degan yahay, balse aan masuuliyad ka hayn oo aan ogeyn meel ay ku maqan yihiin, ilmo kastana waxa loo hayay kaadhkii qaxoontiga.”
Wasiirku waxay sheegtay in arrintan ay wadajir uga tashadeen Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Laanta Socdaalka, maadaama kaadhadhka qaxoontigu caqabad ku noqonayeen marka carruurta iyo waalidiintooda la doonayo in xaaladdooda si rasmi ah loo maareeyo. Waxaaney tidhi.“Dhibaatada ugu weyn ee ina haysata waxa weeye in loo baahan yahay in xad loo yeelo dadka aynu siinayno kaadhka qaxoontiga, ama digniin la siiyo in haddii ilmihiisa bannaanka lagu arko la rari doono oo dalkiisa lagu celin doono.”
Waxay sidoo kale sheegtay in la isla qaatay in carruurta la kala saaro, iyadoo xarumaha daryeelka carruurta lagu hayn doono carruurta Somaliland ee u baahan adeegyadaas. Waxaaney tidhi.“Isfahan buuxa ayaanu ka gaadhnay in carruurta xad loo yeelo, waanu kala saarnay, xaruntana ilmo Somalilander ah mooyaane ilmo kale laguma hayo, umana hayn karno, sababtoo ah miisaaniyad iyo adeegyo ku filan uma hayno.”
Waxay sheegtay in awoodda xarumaha daryeelka carruurtu ku xidhan tahay miisaaniyadda, waxbarashada iyo adeegyada kale ee loo baahan yahay. Waxaaney tidhi.“Sababtu waa miisaaniyaddii, akhlaaqdii iyo waxbarashadii, waxaad samayn kartaa markaad carruur xad leh hayso oo aad ku filnaan karto dhaqaalahooda iyo wax walba, haddii kale waxay kugu noqonaysaa masuuliyad weyn oo madaxa kaa saaran.”
Wasiirku waxay intaas ku dartay in carruurtii la ogaaday in waalidiintoodu magaalada ku nool yihiin dib loogu celiyey waalidiintood, halka guddi uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex uu qaabilsan yahay soo ururinta carruurta, Wasaaradduna kala wareegto marka la keeno.Carruurta yaryar ee u baahan daryeel gaar ahna, sida ay sheegtay, waxaa loo gudbiyaa xarumaha agoonta, iyadoo arrintaas lala kaashanayo Wasaaradda Waxbarashada. Waxaaney tidhi “Kuwa dhalanaya marka naloo keeno, waxaanu ku wareejinnaa Xarunta Agoomaha, waxaana ka wada shaqeeya iyaga iyo Wasaaradda Waxbarashada.”




















