Qore Axmed M. Saleebaan
New York (Dawan) Warbixin cusub oo lagu baahiyay kanaalka Geography By Geoff ee dalka Maraykanka ayaa si gaar ah uga hadashay muhiimadda juqraafiyeed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland, sidoo kale warbixinta waxa lagu xusay xidhiidhka istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo Itoobiya, taas oo diiradda lagu saaray muhiimadda ay Dekedda Berbera iyo xeebaha Somaliland u leeyihiin Itoobiya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Warbixintu waxay tilmaantay in xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya uu noqon karo fursad dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo faa’iido ballaadhan u leh labada dhinaca ba. Waxa kale oo lagu xusay suurto-galnimada in Itoobiya ay mustaqbalka si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, taas oo haddii ay dhacdo sida lagu sheegay warbixinta noqon karta tallaabo diblumaasiyadeed oo muhiim ah, gaar ahaan aqoosiga caalamiga ah. United States
Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta in dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika ay ku yaallaan goob juqraafi ahaan iyo siyaasad ahaan muhiim u ah dunida. Halkaas oo ay ku taallo marinka istaraatiijiga ah ee isku isku xidha qaaradda Afrika, Bariga Dhexe, Yurub iyo Aasiya. Waxa kale oo ay tilmaantay in Gobolku uu ku dhow yahay marinno-biyood muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Gacanka Cadmeed, oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya; Marinka Bab-al-Mandab, oo ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan isu socodka ganacsiga iyo Badweynta Hindiya, oo door weyn ku leh ganacsiga caalamiga ah.
Geography By Geoff waxa kale oo ay warbixinteeda ku sheegay in goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ku taallo iyo xeebteeda dheer oo lagu qiyaaso 85km oo ku deedsan Gacanka Cadmeed ay ka dhigayso goob muhiimka u ah ganacsiga, gaadiidka badda iyo amniga gobolka. Sidoo kale waxa lagu xusay in Dekedda Berbera ay Itoobiya siin karto fursado muhiim ah maadaama oo Itoobiya ay maanta tahay dal aan lahayn xeeb iyo deked u gaar ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimiyay sababta Somaliland ay muhiimka ugu tahay Itoobiya waxaana lagu sheegay warbixinta “Somaliland waxay leedahay xeeb dheer oo ku taalla Gacanka Cadmeed, waxaana ku taalla Dekedda Berbera, oo leh muhiimad juqraafiyeed iyo ganacsi. Berbera waxay Itoobiya siin kartaa fursado ay ka mid yihiin: Marin kale oo ganacsi, taas oo ay u yarayn karto ku-tiirsanaanta dekedaha Jabuuti; In Itoobiya ay jid labaad u hesho dhoofinta iyo soo dejiyta badeecadaha, In Itoobiya hesho fursad istiraatiiji ah oo ay ku xoojiso xidhiidhkeeda badeed, isla markaana ay ku horumariso isku-xidhka ganacsi ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland. Sidaas awgeed, danaha Itoobiya iyo Somaliland ayaa meelaha qaar si weyn isugu waafaqaya.”
Sidoo kale warbixinta ayaa tilmaantay in xidhiidhka Itoobiya uu Somaliland u abuuri karo fursado dhaqaale iyo siyaasadeed. Iyada oo xustay in dhinaca dhaqaalaha, isticmaalka iyo horumarinta Berbera ay horseedi karaan: Maalgashi cusub; shaqo abuur ballaadhan, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha korodhka ganacsiga gobolka iyo horumarinta waddooyinka iyo isku-xidhka Somaliland iyo Itoobiya. “Dhinaca siyaasadda, taageero rasmi ah oo ka timaadda Itoobiya waxay Somaliland u noqon kartaa arrin muhiim ah marka la eego dadaalkeeda aqoonsi caalami ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta.




















