Hooyo caga-cadaan ku oroday si ay lacag u hesho dhibaatada waxbarasho ee Hindiya

0
11

Iyada oo aan lahayn tababar, ama xitaa aan lahayn kabo orod, Ramabai Ranveer ayaa si caga cad u oroday si ay guul uga gaadho tartankeedii ugu horreeyay ee bishii Agoosto.

Carmalkan 47 jirka ah ayaa gashay orod bulsho oo dhan 3km ah (1.86-mayl) iyada oo hal ujeedo leh: inay ku guuleysato lacagta abaalmarinta si ay uga caawiso waxbarashada labadeeda gabdhood.

Markii ay markii ugu horreysay ka gudubtay xariiqda dhammaadka, Ramabai oo ka timid Maharashtra oo ku taal galbeedka Hindiya ayaa aad u faraxsanayd. Laakiin abaalmarintu waa 3,000-rupee ($31; £23) waxay keliya ka caawin doonta inay u iibsato buugaag iyo agab waxbarasho gabdhaheeda.

Lacag badan ma ahayn. Uma dhowaan doonto inay daboosho kharashka waxbarashada sare ee Hindiya, ama xitaa koorso xarunta tababarka ah oo mid ka mid ah gabdhaheeda ay isu diyaarinayso imtixaan shaqaaleysiin oo dawladdu qaadayso.

Laakiin waxa saamayn yeeshay muuqaallada orodkeeda caga-cadaanta ah oo si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada iyo wargeysyada, orodkeedu wuxuu kale oo u saameyey nidaamka waxbarashada Hindiya iyada oo lagu hayo baadhitaan aan caadi ahayn.

“Ma sharaf baa mise waa ceeb noo soo hoyatay bulsho ahaan?” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada.

Ramabai Ranveer waligood may noqon orodyahan kumanay fekerin, hadase waxay noqoay astaan ​​​​: dhererka aan caadiga ahayn ee qaar ka mid ah qoysaska Hindiya ay sameeyaan iyaga oo rajeynaya in waxbarashadu ay carruurtooda siin doonto nolol wanaagsan.

Ramabai, go’aanka ah in la tartamo wuxuu ahaa mid fudud.

“Gabadheeda weyn ayaa ii timid aroortii hore waxayna ku tidhi, ‘Hooyo, waxaan rabaa inaan ka qayb qaato tartanka orodka’,” siday u sheegtay BBC News, iyada oo ku sugan gurigeeda oo ku yaal degmada Beed.

“Waxaan weydiiyay meesha tartanku ka dhacayo, waxayna tidhi waa meel u dhow. Waxay ii sheegtay haddii ay ku guuleysato abaalmarinta, inay ka caawin doonto waxbarashadeeda.”

Gabadheeda yar, Arati, waxay ku nooshahay Nanded waxayna ku dhibtoonaysay inay iibsato buugaagta.

Laakiin Ramabai ayaa go’aansatay in ay iyadu ordo oo ay ku guuleysto tartanka.

Markii ay orodka bilowday kabaheeda caaga ah ayey ku simbiriirixanaysay, way iska bixisay, waxay ku qaadatay gacmana waxay gaabs sadhi-geeda oo waxay ku orodday caga-cad, iyada oo hore u socotay si ay ugu guuleysato qaybta haweenka ee da’doodu u dhaxayso 30-60 jir.

Gabadheeda weyn, Pooja, ayaa sidoo kale ku guuleysatay abaalmarin ka dib markii ay kaalinta labaad ka gashay orodka da’doodu ka hoosayso 30 jir. Laakiin waxay u hibaysay hooyadeed, iyada oo ku tilmaantay inay tahay geesiyad.

Ramabai waxay ahayd qofka kaliya ee qoyska u adeega tan iyo markii ninkeeda uu geeriyooday sanadkii 2012.

“Shaqo kasta oo aan heli karo waan qabtay,” ayay tidhi. “Waxaan ka soo gurtay soybean iyo digir beero dad kale. Sidoo kale waxaan soo ururiyay waxyaabo la tuuray, waan farsameeyay oo waan iibiyay.”

Waxay ka tagtay dugsiga markay ahayd 13 jir. Waxay tidhi gabdhaheeda, waa inay helaan fursado aanay waligood helin.

“Waxaan aaminsanahay in inta aan noolahay, ay tahay inaan sameeyo wax kasta oo aan awoodo si aan gabdhahayga u siiyo waxbarasho wanaagsan.”

Himiladaas waxaa la wadaaga malaayiin qoys oo Hindi ah. Laakiin helitaanka arrimahan waxay u baahan yihiin sannado badan oo diyaargarow ah, tartan xooggan iyo kharash badan.

Arrimaha waxbarashada iyo imtixaanada oo musuqmaasuq la galiyo ayaa dhaliyey Jahwareerkaas iyo  dibadbaxyo ay ardaydu hoggaaminayaan iyo dhaqdhaqaaqyo dhallinyaro ah oo dalbanaya in wax laga beddelo nidaamka waxbarashada Hindiya.

Qoysaska sida Ramabai oo kale ah waxay waxbarashada u huraan naftooda.

Kadib geeridii ninkeeda Ramabai, waxay qaadatay shaqo kasta oo ay heli karto. Hadda waxay cunto karis ka sameysaa xarunta tababarka halkaas oo mid ka mid ah gabdhaheeda ay u diyaargaroobayso qorista booliiska.

Orodka Ramabai ayaa sidoo kale soo jiitay dareenka mas’uuliyiinta. Horraantii bishan, Madaxa Garsoorka ee Hindiya Surya Kant ayaa ku amray mas’uuliyiinta maxalliga ah inay siiyaan kaalmo dhaqaale oo dhan 50,000 oo rupees.