Madaxweynaha oo ka Hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Cali Sanyare oo Aas Qaran Lagu Sagootiyay

0
515

Sallaxley (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqsiyadda Marxuum siyaasi Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Switzerland, oo shalay aas qaran lagu sagootiyay oo madaxweynaha Somaliland kaga qayb galay tuuladaToon ee duleedka dhinaca koonfureed ee caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku tilmaamay Siyaasi marxuum Cali Ibraahin Maxamed (Cali Sanyare) indheer-garad iyo hal-door ka baxay qaranka Somaliland, isla markaana uu ahaa nin tacab badan galiyay dhismaha qaranka Somalialnd.

Aaska qaran ee Marxuum Siyaasi Cali-sanyare lagu sagootiyay ayaa waxa ka qayb galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno, culimo-awdiin, waxgarad, aqoonyahan iyo haldoor tiro badan oo reer Somaliland ah, waxaanay dhammaan dadkii ka qayb galay aaska ay Marxuumka ku sifeeyeen in uu ahaa halyay qaran oo ka baxay qaranka waxaanay ALLE uga baryeen in uu marxuumka u naxariisto oo uu dambigiisa dhaafo, waxaanay ehelkii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna ALLE uga baryeen in uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu si qoto dheer uga warramay taariikh-nololeedka marxuumka, waqtiyadii dhallaan-nimo iyo dhallinyaronimadiisii uu kaalin-galka noqday, isagoo shacbiga la wadaagay shaqooyin martabaddoodu sarrayso oo uu marxuumku ka soo qabtay caalamka, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Marxuum Cali Sanyare, waxa uu ahaa dhallinyaradii Hargeysa ku barbaartay, waxana uu waxbarashada ka bilaabay dugsiga Riis, waxana uu ka baxay dugsigii farsamada gacanta ee VTC, dabadeedna waxa uu noqday karraani ka shaqeeya wasaaradda caddaaladda, maxkamadaha Hargeysa ayuuna shaqada ka bilaabay, intaas kaddibna wasaaraddii Caddaaladda ee Xamar buu joogi jirey, ilaa uu Agaasime guud ka gaadhay. Halkaas markuu joogayna waxa loo beddelay midowgii Afrka laantiisa shaqaalaha oo uu dhawr iyo toban sanno ka shaqaynayey, markii dambena ururka shaqaalaha adduunka ee ILO-da ayuu ku biiray oo ka gaadhay heer sare, waxana uu deggenaa Jeneefa in badan.”

Madaxweynuhu, waxa uu dhinaca kale sharraxaad dheer ka bixiyey shakhsiyaddii marxuum Cali Sanyare, waxana uu ku tilmaamay aqoonyahan karti badnaa oo himilooyinkii uu lahaa ka midho-dhaliyey, “Cali nin waxtar ah ayuu ahaa oo bulshaawi ah oo dadka aad u yaqaanna oo dadku u siman yihiin buu ahaa, meel uu joogona qof ugu yimi kumuu qaloonin, raggii ay asxaabta ahaayeenna rag badan baa ka nool, waxana uu ahaa nin qalambaawi ah oo halkuu joogo la yidhaahdo Cali inoo geeya, nin weyn oo dadka ururiya ayuu ahaa, waxana taas kuugu daliil ah, isaga oo dalka Afartan sanno ka maqan buu yimi, isaga oo aan bil jooginna wasiir buu noqday, waxana uu noqday wasiirka qudha ee aanay dadku u kala soocnayn, mucaarid walaa muxaafid,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Marxuum Cali Ibraahim Maxamed (Cali sanyare), ayaa muddo dheer xilka wasiirka qorshaynta ka soo ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxana intii uu mansabkaas hayey iyo intii aanu hayninba waxaa uu wax badan taray bulshadiisa, isaga oo hormood ka ahaa mashaariic tiro badan oo dalka hore loogu marinayey.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply