Ciidanka Socdaalka Somaliland oo Carwada Tiknoolajiyadda Ku Soo Bandhigay Baasaboor Casri ah

0
9

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Laanta Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Shirweynaha iyo Carwada 8-aad ee Tiknoolajiyadda Somaliland ku soo bandhigay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Baasaboorka Somaliland iyo sida tiknoolajiyadda casriga ahi u beddeshay qaabka loo sameeyo, loo hubiyo loona isticmaalo.

Kabtan Caydiid oo ka tirsan Ciidanka Socdaalka ayaa sharraxay taariikhda baasaboorka, isaga oo xusay in dukumentiyada safarku soo mareen marxalado kala duwan, laga soo bilaabo baasaboorradii hore ee 1935-kii iyo 1960-kii, ilaa kuwii xigay ee la isticmaalay sannadihii dambe.

Waxa uu yidhi “Maadaama manta ay tahay Carwadii Tiknoolajiyadda, waxa Ciidanka Socdaalku kaga qayb-galayay side bay Tiknoolajiyadu u saamaysay Baasaboorka Somaliland,halkan waxaad ka arkaysaa Baasaboorkeenii u horeeyay oo haan 1935-kii, balse markii aynu xornimada qaadanay waxa aynu qaadanay Baasboorka 1960-kii oo la wada lahaa”.

Waxa uu sheegay in markii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991-kii, ay samaysatay baasaboor u gaar ah, kaasi oo markii hore gacanta lagu qori jiray, balse sannadkii 2014-kii loo beddelay baasaboor elektaroonig ah, taasi oo qayb ka ahayd casriyeynta adeegyada socdaalka.

Kabtan Caydiid ayaa sidoo kale soo bandhigay baasaboorka cusub ee Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid adeegsada tiknoolajiyad casri ah oo lagu xoojinayo ammaanka dukumentiga, laguna adkaynayo in la been-abuurto, si kor loogu qaado kalsoonida lagu qabo

Waxa uu yidhi “2023-kii waxa aynu haysanaa Baasaboorkii u danbeeyay adduunka kaasi oo loo yaqaano (Poly car Passaport) kaasi oo ah mid aan la Foojari garayn karin isla markaasina laf ah, kaasi oo caalamkana aaminaad badan ku leh”.

Dhanka kale, Ciidanka Socdaalku waxa ay carwada ku soo bandhigeen qalab cusub oo loogu talagalay in lagu fuliyo hawlaha diiwaangelinta iyo hubinta xogta dadka xuduudaha iyo goobaha kale ee aan lahayn koronto ama kombiyuutarro joogto ah.

Qalabkan ayaa ciidamada u sahlaya inay goobaha ay ka hawlgalaan ku hubiyaan xogta ajaanibta ku sugan dalka, isla markaana ay diiwaangeliyaan dadka socdaalka ku jira, oo ay ku jiraan dadka tahriibaya, iyaga oo aan ku tiirsanayn qalab xafiis oo joogto ah

Waxa uu yidhi “Qalabkan waa qalab cusub oo hadda Ciidanka Socdaalka lagu qalabeeyay, kaasi oo loohu talogalay in lagaga shaqeeyo goobaha aan Kombiyuutar iyo laydh aan laga heli Karin si loo hubiyo dad ajaanibka ah ee dalkeena degan xogtooda iyo sidoo kale dadka Tahriibayaasha”.

Ka qaybgalka Ciidanka Socdaalka ee shirweynahan ayaa muujinaya kaalinta tiknoolajiyaddu ku leedahay casriyeynta adeegyada socdaalka, sugidda amniga xuduudaha iyo horumarinta nidaamyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadka, taasi oo muujinaysa in Ciidanku la jab-qaadayaan Tiknoolajiyadda casriga ah iyo isbadeladeeda.