Wasaaradda Biyaha oo Diyaarisay Wejigii Koowaad ee Daraasadda Mashruuca Biyaha Oodweyne

0
8

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhammaystirtay wejigii koowaad ee daraasadda mashruuca biyaha looga soo jiidayo deegaanka Kabadheere, si loo gaadhsiiyo magaalada Oodweyne, kaasi oo qorshihiisu yahay dhuumo biyo oo dhererkoodu yahay 42 kiiloomitir.

Daraasaddan oo ay wasaaraddu waddo ayaa ah tallaabo muhiim ah oo hordhac u ah hirgelinta mashruuca, waxaana lagu qiimaynayaa ilaha biyaha, suurtagalnimada farsamo, masaafada dhuumaha, baahida bulshada iyo habka ugu habboon ee biyaha looga soo gaadhsiin karo magaalada Oodweyne.

Shirkadda Professional Growth Center Consultancy oo qandaraaska ku qaadatay fulinta daraasadda ayaa faahfaahin ka bixisay natiijooyinka iyo hawlaha laga qabtay wejigan koowaad, kuwaasi oo saldhig u noqonaya qorshaynta iyo diyaarinta wejiyada xiga ee mashruuca.

Daraasadan ayaa lagu soo bandhigay xafiis Wasiirka Kheyraadka Biyaha Somalialnd oo ay goob jog ahaayeen wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaradda, waxaana la isla falanqeeyay sidii loo dhamayn lahaa iyo qorshaynta tallaabooyinka xiga.

Dhammaystirka wejigan ayaa muhiim u ah dedaallada lagu doonayo in magaalada Oodweyne lagu gaadhsiiyo biyo ku filan, isla markaana wax lagaga qabto baahida biyaha ee bulshada deegaanka.

Mashruucan ayaa muujinaya doorka Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee qorshaynta iyo diyaarinta kaabeyaasha biyaha, iyada oo daraasaddani gogol-xaadh u tahay tallaabooyinka xiga ee loo baahan yahay si mashruuca loogu gudbo hirgelintiisa.