Maxaa ku Cusbaa Debbaal Degga Sannad Guurada 27-aad ee Sannadkan

0
276

Hargeysa (Dawan):- Guud ahaan gayiga Somaliland ayaa shalay laga xusay oo looga debbaal degay 27 guurada maalinta qarannimada Somaliland oo ku beegnayd 18, May laakiin curashada bisha barakaysan ee Ramadaan looga soo hor mariyay dhawr maalmood, lagana dhigay  shalay oo taariikhdu ay ahayd 15-ka May.

Haddaba  maalin kasta oo la qabto munaasibadda xuska qaran ee la soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland waxa jira waxyaabo badan oo ku cusub isla markaana soo jiita maanka dadka iyo quluubta ka soo qayb galeyaasha iyo madaxda qaranka iyo guud ahaan bulshada debbaal degyada  ka qayb qaadanaysa.

Haddaba waxaan si kooban isu dul taagaynaa waxyaabihii ku cusbaa debbaal degga 27 guurada ka qabsoomay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Inkasta oo ay badnaayeen waxyaabaka kala duwan ee soo jiitay indhaha bulshada caasimadda Hargeysa iyo madaxda qaranka ee  ka qayb gelayay debbaal degga 27 guurada maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland hadana waxaa jiray waxyaabo si gaar ah loo soo qoodan karo oo ka mid ah waxyaabaha ugu saamaynta badan ee laga xusi karo  in ay ku cusbaayeen.

Waxyaabaha ugu waawayn ee aynu soo qaadan karno waxaa ka mid ah, madaxda  hay’addaha  qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah oo  ka qayb  qaadanayay debbaal degga munaasibadda oo ku sugnaa   halkii ay salaanta ku qaadanayeen Madaxda qaranka Somaliland oo uu hormuud u ahaa Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabaha layaabka  ku noqday bulshada caasimadda Hargeysa oo aan xusaskii qaran ee hore aan lagu arki jirin ajaanibka kala duwan ee ku sugan caasimadda Hargeysa oo debbaal-degga maalinta qaran socod kaga qayb qaadanaya isla markaana la maraya calanka Somaliland iyaga oo sita qaybaha kala duwan ee marayay waddada wadnaha Hargeysa ee Madaxda qaranku sallaanta ku qaadanaynaysay.

Sidoo kale, waxa jiray oo ku cusbaa dhoollo tusyo kala duwan oo qaybaha bulshada caasimadda Hargeysa mid kastaaba xeelad u gaar ah uu la soo gole-tegay, waxaana aad indhaha dadka u soo jiitay wiil dhallinyaro ah oo afkiisa uu olol aad u wayni ka soo baxayo oo dab ka shidaya afkiisa.

Qofba haddii uu xeelad la yimi, waxa jiray isaguna wiil aad u da’yar oo lebisan derajada kabtan ee ciidanka qaranka oo  ka qayb qaadanaya debbaal degga 27 guurada maalinta  qarannimada Somaliland.

Waxaa xusid mudan oo aan la dhaafi karin in tartan dhanka degmooyinka caasimadda Hargeysa ahi uu ka dhex socday dhoolla tuska debbaal degga 27 guurada maalinta qarannimada Somaliland. degmada Gacan Libaax ee caasimadda Hargeysa ayaa kaga qayb qaadatay nooc ka mid ah wax-soosaarka dalka oo ay ku soo bandhgtay gaadhi beer ah oo dushiisa laga beeray dalagyo kala duwan oo muujinaya waxsoosaarka dalka iyo in isku filnaansho laga gaadho dhanka cuntada.

Ma aan illaawin, qalinkuna kama boodin in uu xuso gaadhi Somaliland lagu farsameeyay oo Somaliland lagu dhex hindisay oo soconaya, in lagaga qayb qaatay debbaal deggii shalay, waa gaadhi ka duwan dhammaan baabuurtii kale ee goobta bandhigga maalinta qaran lagu damaashaadayay, waana baabuur guudkiisu ka samaysan yahay loox aad u qurux badan.

Waxa kale oo aad dadka xusuustooda ugu weynaa oo aan hore uga baxayn markii debbaal degga uu soo maray wiil-dhallinyaro ah oo wata Hareemo Cad hor socda oo uu kaga qayb qaadanayay munaasibadda dhankiisa.

Mid ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo ku gaashaaman lebis hidde iyo dhaqan ah, isla markaana faraskiisa wata ayaa debbaal degga si weyn uga dhex muuqday oo aanay indhaha bulshadu marnaba ka jeesan  intii uu waddada marayay.

Waxaan la illaawi karin markii nimcoolayda aynu dhaqano gaar ahaan geel dhalay lagaga qayb qaatay debbaal deggii caasimadda Hargeysa ee shalay  oo la soo mariyay halo dhalay oo lammaan.

Sidoo kale, waxaa xusuus mudan in la sheego markii muwaadin kale oo reer Hargysa ahi uu debbaaldegga maalinta qaran kaga qayb qaatay  kaariyoon si wanaagsan loo soo sharraxay oo uu dhanwalba ka lulay calanka Somaliland  oo aad u dheer korna loo taagay oo hal joog in ka badan ka sarreeya kaariyoonka uu watay oo aad garanayso in uu  u soo diyaar garoobay muujinta maalinta qaran ee uu caalamka kale oo dhan kaga duwan yahay.

Waxaa xusid mudan, madasha loogu talo galay in ay maraan dadka iyo gaadiidka loo qorsheeyay ka qaby qaadashada debbaal degga, markii uu soo maray aabbo iyo ilmo uu waalid u yahay oo ajaanib ah oo muujinaya nabad gelyada ay Somaliland ku joogaan in ay mudan tahay in ay la debbaal degaan bulshada reer Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply