Madaxweyne ku Xigeenka oo 18 May ku Xusay Madashii Lagaga Dhawaaqay

0
283

Burco (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hogaaminayo oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Cabdikariim Axmed Xinif, ayaa Shacabka Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalada Burco kala qeyb galay Xuska sannad guurada 27aad ee 18-ka May.  Halkaas oo ah madashii lagaga dhawaaqay maalinta qaranka ee 18-ka May.

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo shacabka reer Togdheer kala hadlay fagaare ayaa u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxaana uu ka sheekeeyey qiimaha ay maalintani ku leedahay guud ahaan qaranka Somaliland, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu shacabka Somaliland gaar ahaana kuwa reer Burco uga mahad celiyey dhoola tuska ay sameeyeen xuska maalintan qaran, sidoo kale waxa uu bogaadiyey Ciidamada qaranka ee iska difaacay weerarkii lagu soo qaaday, waxaana uu shaaca ka qaaday inay Ciidamada Qaranka ku qabaan Kalsooni buuxda kuna filan yihiin difaaca qarankooda, waxaanu yidhi “Kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa ciidamada qaranka Somaliland waanay ku filan yihiin difaaca qarankooda.”

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) markii uu ka soo laabtay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxa uu la kulmay Shil gaadhi oo ka dhacay Tuulada Laalays, halkaasi oo uu Madaxweynuhu booqday dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay islamarkaana uu u fidiyey gargaar iyadoo uu goobta isna ku sugnaa Wasiirkii Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply