Xukuumadda oo Sharraxday Jabka Soomaaliya Kaga Dhacay Duulaanka ay Sooqaaday

0
273

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka xukuumadda Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sharraxay weerarka gardarada ah ee dawladda cagajiidka ah ee Soomaaliya ku soo qaadeen ciidammada qaranka Somaliland oo ay jab kala kulmeen duulaankoodii saaka.

Siday Faafisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa Wasiirku  Warfaafintu sidaas ku sheegay  war-murtiyeed uu nuqul ka mid ah soo gaadhay Wargeyska Dawan waxaanu u dhignaa sidan:-

“Tan iyo intii uu Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka  ula wareegay hab dimuqraadiya oo ku salaysan hal qof iyo hal cod, taliska cagajiidka ah ee Muqdisho wuxuu muujiyey niyad jab, waxaanu bilaabay daandaansi iyo xasarad ku wajahan mijaxaabinta nabad gelyada iyo Xasiloonida ka jirta JSL iyo guud ahaan gobolka.

Sida ay haddaba beesha caalamka iyo dhammaan umadda af Soomaaliga ku hadashaa  ka warqabaan tan iyo bilowgii sanadkan Soomaaliya tiraba 25 jeer bay ku soo xadgudubtay dadka iyo dalka JSL.

Haddaba sida laga yaabo inaanay dadwaynaha reer Somaliland ka warqabin ciidanka maamulka cagajiidka ah ee soomaaliya ayaa shalay oo ay bishu ahayd 14-kii May dhanka koonfureed ee magaalada Tukaraq  kaga soo qaaday  weerar ciidankanka Qaranka JSL ee uu  fadhigiisu yahay jiidda hore. Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL waxa la gaadhsiiyey dhirbaaxo kulul oo cashar u noqon karta maamulka Soomaaliya ee daandaansiga ka wada deegaannada Somaliland.

Iyaga oo ka faa’iidaysanaya  maalinta dabaaldegga xuska sannad guuradii 27 aad ee qaranimada Somaliland ayay haddana saaka abbaaro todobadii subaxnimo weerar dhanka bari iyo dhanka koonfureedba kaga soo qaadeen ciidanka Qaranka JSL. iyaga oo aan ku xisaabtamin in ciidanka Qaranka JSL dhinacna uu dabbaaldeg ka wado dhinacna uu  heegan u yahay difaaca qaranka, waxaana halkaa lagu gaadhsiiyey ciidankii nacabka khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalkaas oo soconayey 5 saacadood waxaa nacabka laga gubay tikniko badan, iyada oo gacanta lagaga dhigay shan baabuur iyo hal taangi, waxa kale oo gacanta lagaga dhigay maxaabiis farabadan, waxaana dib looga qabsaday halkii ay ka soo hinqadeen.

Haddaba, waxaanu caalamka nabadda jecel u sheegaynaa in aanay waxba ka jirin wararka ku-tidhi ku-teenka ah ee uu Taliska taagta daran ee Soomaaliya warbaahinta ku sheegay in ay Somaliland weerarka ku horaysay.

Ugu danbayntii, dawladda Somaliland waxa ay caddaynaysaa in ay soo dhawaynayso deris wanaagga iyo nabad kuwada noolaanshaha dalalka deriska. Hayeeshee mar kale u dulqaadan mayso daandaansi, xasarad iyo xad gudub joogto ah oo lagula kaco dadka iyo dalka JSL.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply