Wasiirka Difaaca Somaliland oo ka Hadlay Dagaalkii Tukaraq iyo Xaaladda Sanaag

0
290

Ceerigaabo (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, ayaa sheegay in ciidanka qaranka Somaliland guul ka gaadhay dagaal gardarro ah oo ay ku soo qaadeen Somaliland ciidanka Soomaaliya ee maamul goboleedka Puntland.

Ciidanka dagaalka soo qaaday oo ku soo beegay  weerarkooda  maalinta  loo asteeyay in loo debbaal dego 27 guurada maalinta qarannimada Somaliland oo ku beegnayd 18 May, laakiin loo soo hor mariyay si aanay ugu beegmin curashada bisha barakaysan ee Ramadaan, ayuu wasiirka difaaca Somaliland ku sheegay dagaal gardarro ah oo Somaliland lagu soo qaaday, isla markaana cadawga uu qasaare badani ka soo gaadhay gaadiid dagaal iyo hubna lagaga qabsaday.

Waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay  shaqaaqo dorraad ka dhacday magaalada Ceerigaabo iyo sida dadweynaha  magaalada iyo xukuumaddu uga wada hawl galeen taas oo uu sheegay in markiiba ay degtay xaaladda nabad gelyo ee magaaladuna ay wacan tahay dawlad iyo shicibkuna isku raacsan yahay in meel looga soo wada jeesto nabad gelyada guud iyo ta gobolkaba.

Wasiirka oo ka hadlayay dagaalka gardarada ah ee Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland iyo jabkii ciidanka qaranku u geystay cadawga ayaa uu yidhi. “Ciidanka qaranka ee jiidda hore ee Tukaraq waxaa lagu soo qaaday weerar gardarro ah oo cadawga Somaliland uu soo qaaday, dagaal haddii uu dhacana qasaare wuu jirayaa, laakiin dagaalkaas gardarada ah ee Somaliland lagu soo qaaday ciidanka qaranku guul ayay ka soo hooyeen, gaadiid dagaalna cadawga way ka qabsadeen, waana been abuur iyo warar aan sal iyo raad lahayn in ciidanka qaranka tikniko laga qabsaday, ciidanka qaranka iyo guud ahaan Somaliland-na waxaa ka go’an  difaaca qaranka Somaliland meel ayaana looga soo wada jeedaa,Soomaaliyana waxaan u sheegaynaa in ay naga go’an tahay in aan dalkayaga difaacano. cid kasta oo isku dayda in ay taako ka mid ah dhulkayaga soo faro gelisana waxa ka qabsan doona jab aanay ka soo waaqsan oo ka maanta (shalay) Tukaraq ka qabsaday oo kale ah.”

Wasiirka oo ka hadlayay ciidanka qaranka oo ku durkay xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya ay wadaagaan ayaa yidhi. “ciidanka qaranku waxay hore ugu ruqaansadeen xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya waxaana naga go’an in aanu gaadhno soohdinta ugu dambaysa ee noo dhaxaysa Soomaaliya.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda nabad gelyo ee gobolka Sanaag iyo  magaalada Ceerigaabo oo uu k sugnaa “xaaladda nabad gelyo ee magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag wey deggan tahay, shaqaaqo yar ayaa shalay (dorraad)  ka dhacday magaalada oo dad ku dhintay iyo muddaharaad, taana waxaa  si weyn uga hawl galay dadkii dhibaatadu soo gaadhay oo iyaga oo meydkii u  yaallo naftooda xakameeyay oo nabad gelyada si weyn uga hawl galay, shaydaan ayaana isku diray arrintana imika gacanta ayaa lgu hayaa waana nabaad gelyo.” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda gaadhaandhigga Somaliland oo shalay  ka hadlayay magaalada Ceerigaabo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply