Jid Cusub oo loo Jeexay Hannaanka Bixinta Qandaraasyada Qaranka

0
279

Hargeysa (Dawan)- Guddida Qandaraasyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaciyay qaabka iyo hannaanka ay u shaqayn doonaan, waxaanay bulshada u soo bandhigeen jid iyo nidaam cusub oo oo ay jeexen qandaraasyada, kaas oo ku dhisan sinnaan iyo caddaalad.

Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen iyo xubnaha guddida oo shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sharraxaad ka bixiyay hannaanka cusub ee ay ku wajahayaan shirkadaha ganacsi iyo muwaadiniinta u tartama qardaraasyada la bixinayo.

Nuux Maxamed Xuseen oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Muwaadin kasta oo danaynaya in uu u tartamo qandaraasyada qaranka ee la bixinayo, waxa aanu u sheegaynaa in xafiiskayagu u furan yahay oo aanu sinnaan iyo caddaalad ugu shaqaynayno. Waxa kale oo aanu u sheegaynaa muwaadin kasta oo danaynaya in uu tartan u galo qandaraasyada qaranka in uu xafiiska iska soo diwaan geliyo. Waxaanu u sheegaynaa muwaadiniinta in aanu baahin doono qandaraas kasta oo aanu bixinayno, oo aanu saxaafadda ku baahin doono.”

Agaasimaha guddida qandaraasyada qaranka Jabarti Axmed Xasan oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa shirkadaha iyo ganacsatada Somaliland ee danaynaysa in ay ka qayb qaataan tartannada qandaraasyada  ka codsaday in ay  iska soo diwaan geliyaan xafiiska guddida qandaraasyada, waxaanu yidhi “Ganacsatada kala duwan ee Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan u sheegayaa in aanu si caddaalad ah oo dhex-dhexaad ah ugu garsoorayno. Waxaan ganacsatada iyo qandaraaslayaasha Somaliland waxaan u sheegayaa in ciddii aan ka diwaan gashanayn guddida qandaraasyada qaranka ee aan ka haysan shahaado in aanay ka qayb gali doonin wax tartan qandaraas ah.”

Maxamuud Axmed oo ka mid ah xubnaha guddida qandaraasyada qaranka ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Dawlad kasta oo dunida ka jirtaa ka maarmi mayso in ay yeelato mareeg laga dheehdo hawl maalmeedka socda. Somaliland-na waxaanu samaynay website laga dheehan karo hawl  maalmeedka guddida qandaraasyada qaranka Somaliland.

Marwo Caasha Cabdillaahi oo iyaduna ka mid ah xubnaha guddidaasi ayaa sheegtay in ay guddi ahaan diyaar u yihiin in ay si caddaalad iyo hufnaan ah ugu adeegaan bulshada, waxaanay tidhi “Anagu guddi ahaan diyaar baanu u nahay in aanu u adeegno bulshada oo aanu si caddaalad iyo hufnaan ah ugu shaqayno.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply