Taliyaha Dab-demiska oo Geeri ka Dhacday Hargeysa Dhaliilayna Hay’addo Gurmad oo la Waayay

0
258

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sarreeyo Guuto , Axmed Xasan Sawaaxili,ayaa ka hadlay hooyo geeriyootay isal markaana dhaliilay hay’addo gurmad oo uu sheegay in aan la arag kuna cidleeyeen shaqooyinkii ay u igmanaayeen ciidanka Dab-damiskaoo qudha.

Taliye Sawaaxili oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Marxuumadda geeriyootay oo uu suuli la go’ay ay ifka kaga tagtay lix ubad ah,waxaanu aad u dhaliilay kooxaha caafimaadka, shirkadaha laydhka iyo ciidanka booliska oo aan la gurman ciidanka dab-demiska kuna kaliyeeyay hawlaha gurmad iyo samato bixinta nolosha dadka iyo hantida.

Waxaanu ugu baaqay dadku in ay  ka fogaadan goobta shilku ka dhaco xilliga lagu jiro badbaadinta iyo samata bixinta naflaha iyo hantida “ Degmada gacan libaax xaafada geerash aw aadan waxa uu suuli la go’ay gabadh alle haw naxariistee la odhan jiray  Aamina Maxamed Nuur oo lix carruur ifkaga kaga tagtay afar iyo wiil iyo laba gabdhood , waanu gurmanay islamarkiiba waanu gaadhnay gabadha oo nool hasa ahaatee shaqada dabdemisku waa badbaadin nafeed iyo hanti , marka aanu meeshi gaadhnay waxa dhibaato nagu noqotay sidii aanu gabadha u gaadhi lahayn , gurigu sandaqad ayuu ahaa xamaamkana waxa ku wareegsanaa jaajuur , waxa aanu weyn meel aanu ka galno dadweyne awgeed , markaanu xoog ku banaysay oo meeshi tagnayn waxaanu aragnay boqol qof oo godkii ku jira oo haddana aan waxba qabanayn , daqiiq ayaan kusoo saarnay ,  intuu aanu dadkii la dagaalamayn intii aanu meesha banaysanayn ayaa wakhti noqotay  , waxa dhibaato noqotay waxa aanu weynay meel aanu la marno qofkii ambalasna maba jro, dadweynaha waxaan ku waaninayan haw baneeyan haddi wax dhacaan cidda ku shaqada leh  “ ayuu yidhi

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeyo Guuto , Axmed Xasan Sawaaxili ayaa sheegay in ay dadaaleen balse ay meesha ka maqan tahay ciddii la shaqayn lahayd Sida :, Gargaarka degdeg ah ee Caafimaadka , hay’addaha koronta , biyaha iyo laamaha amaanka oo u xilsaaran kala caydhinta dadka goobta kusoo uruuray waxaanu ugu baaqay in shaqadood gutaan isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi  “ sharciyan marka uu dabdemisku soo gurmad waxaa lasoo gurmada wakaaladdaha koronta , biyaha , kooxda gargaarka degdega ah ee caafimaadka iyo ciidanka booliska  intaas ayaa nin walba shaqadiisa qabanayaa maanta iyo mar walba anagu cidla ayaanu taagan nahay waayo dhammaan ha’addaha ay khusaysaa masoo gurmaadan markaa intaas oo shaqo layskuma qaban karo markaa dib ha layskugu noqdo oo waa in intaas oo qaybood qofkasta shaqadiisa kasoo baxaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply