Dawladda Imaaradka Carabta oo ka soo Jawaabtay Codsi Xukuumaddu u Diray

0
286

Hargeysa (Dawan)- Dawladda Imaraadka Carabta oo ka jawaabaysay codsi uu u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dalka usoo dirtay laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah iyo markab sida Mucaawinooyin loogu talo galay dadkii ku tabaaloobay roobabkii duufaanka watay eek u dhuftay gobolada galbeed ee Somaliland.

Diyaaradaha ayaa qaaday gurmadkii koobaad oo isugu jira daawooyin, Raashin, Dhar, Timir , Biyo iyo waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah kuwaasi oo ay gaadhsiiyeendeegaanadii dadku ku baro kaceen ee galbeedka Somaliland..

Imaaradka Carabta ayaa noqonaaya dawladdi ugu horaysay ee deeq mucaawimo ah soo gaadhsiisa dadka ku tabaaloobay roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Kaalmada deg-degga ah iyo jawaaabta ka timidawladda Imaaraadka Carabta ayaa muujinaysa sida ay Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu u yihiin laba dal oo xidiidh walaalnimo oo qoto dheer wadaaga iyo iskaashiga labada dawladood halka uu gaadhsiisan yahay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply