Magacyada Guulaystayaasha Barnaamijka Kobci Garaadkaga

0
886

Hargeysa (Dawan)- Kobci garaadka waa barnaamij aqoon iswaydarsi ah, kaasi oo loogu talo galay in lagu dhiiri geliyo bulshada si ay uga shaqaysiiyaan maskaxdooda, iyaga oo ku dabaqaaya aqoonta ay u leeyihiin dhaqanka , taariikhda iyo cilmiga guud ahaan ,

Barnaamijkan ayaa waxaa maalgelisay shirkadda isgaadhsinta casriga ah ee TELESOM oo kashanaysa warbaahinta u adeegsata bulshada gaar ahaan kuwa dawladda .

Qaybtii labaad ee waydiinta su’aalaha barnaamijka oo xalay lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa kasoo qayb galay ku dhawaad soddon qof oo tartamayaal ah ayaa waxana ku guulaystay saddex qof ee hoos ku xusan .

1: Aamiin Axmed Maxamed oo ka jawaabay afar su’aalood ayaa helay lacag dhan 400.000 oo shillinka Somaliland ah.

2:Asma Yuusuf Maxamed oo ka jawaabtay afar su’aalood islamarkaan garan wayday jawaabta su’aasha shanaad ayaa heshay 200.000

Tartamaha ayaa waayaya qayb ka mid lacagta uu ku guulaystay haddii uu garan waayo jawaabta Su’aasha shanaad .

3: Maxamed Axmed Cumar oo kaga qayb galay khadka telefoonka ayaa ka jawaabay laba su’aalood waxaana uu ku guulaystay lacag dhan 200.000 oo shillinka Somaliland .

Qaybtii hore ee waydimaha Su’aalaha ayaa waxa ku guulaystay

1:Cabdifataax Siciid Xasan oo helay lacag dhan 400,000 oo SL shillin ah.

2: Luqmaan Cabdilaahi Axmed oo helay lacag dhan 300,000 oo SL shillin ah.

3: Khaalid Axmed Saleeban oo helay lacag dhan 200,000 oo SL Shillin ah.

Barnaamijka kobci garaadka ayaa waxa uu kaga duwan barmaajiyada kale ee ay qaybtaan warbaahintu in qofkasta oo ka jawaab hal su’aal uu helaayo lacag dhan boqol kun oo somaliland shillin ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply