Mashruuca Dib u Habaynta Maaliyadda Qaranka oo laga Furay Hargeysa

0
305

Hargeysa (Dawan)- Agaasihamaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa magaalada Hargeysa ka furay kulan lagu falanqaynayo hagayaasha xisaabaadka oo ka qayb ka ah Mashruuca dib u habaynta maaliyadda qaranka Somaliland.

Kulan hawleedkan oo socon doona muddo afar maalmood ah waxa dib u eegis iyo lafo-gur lagu samayn doonaa nidaamka xisaabaadka ganacsatadada yar yar iyo kuwa dhexe, hagayaasha faahfaahinaya hagayaasha xisaabaadka dawladda iyo wareegtooyinka xisaabaadka.

Munaasibadda furitaanka mashruucan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka soo qaby galay saraakiil ka socday xafiiska xisaabaadka guud ee qaranka, wasaaradda maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo tiro badan, kuwaasi oo muddada uu kulankani socda ka doodi doona mashruucan dib u habaynta miisaaniyadda qaranka.

Xidhiidhiyaha mashruuca dib u habaynta maaliyadda mudane Xasan Faarax ayaa faahfaahin dheeraad a ka bixiyay faa’iidada iyo ujeedada looga dan leeyahay mashruucan dib loogu habaynayo miisaaniyadda qaranka, waxaanu sheegay in kulankani uu daba socday kulamo kale oo ka horreeyay.

Agaasihamaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, oo munaasibaddaasi hadal ka jeediyay ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha in ay ka faa’iidaystaan muddada uu shirkani socdo, waxaanu yidhi “Waxaynu galnay afar maalmood oo shaqadeena muhiim u ah, mar haddii dib u eegis la yidhaahdo hadhow dib loogu noqon maayo, markaa wixii maanta ku dhaafa ka daba tag ma leh, waxaan idinkula dardaarmayaa arrintan muhiimadda gaarka ah inoo leh in aynu u hagar baxno, sababta oo ah waxaa laga yaabaa in aynu ku shaqayno boqolka sannadood ee soo socda ama muddo aad u dheer, waana bar-bilaw.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxamed Daahir ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxaanu hogatusaaleeyay ka soo qayb galayaasha faa’iidada uu kulankani u leeyahay dib u habaynta lagu samaynayo miisaaniyadda qaranka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply