Madaxweyne ku xigeenka oo ka Hadlay Shaqaaqada Ceel-afweyn Farriinna u Diray Beesha Caalamka

0
285

Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa si adag uga hadlay shaqaaqada ka soo noq noqotay deegaanka degmada Ceel-afweyn iyo dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac.

Waxa kale oo uu ka hadlay munaasibadda debbaal-degga 27 guurada maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland oo uu farriin u diray beesha caalamka, isaga oo sheegay in ay kala duwan yihiin marka hore  waxay Somaliland ka aaminsan yihiin iyo markay yimaadaan xaqiiqada ay ka arkaan, waxaanu ku adkeeyay beesha caalamku in ay qiraan xuquuqda  Somaliland iyo xaqa ay u leedahay in la aqoonsado oo aan lagala masuugin qarannimadeeda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan, mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda deegaanka degmada Ceel-afweyn iyo waxa uga meel yaalla ka Xukuumad ahaan, ayaa ku jawaabay “waxa halkaa Ceel-afweyn iyo deegaankeeda ka dhacay waanu ka xunnahay, waxaa isku dhimanayaana waa  dad walaalo ah oo isku  nool ah oo wada dhashay oo inan iyo abtigii ah. waa dad  aan kala maarmayn oo aan kala tegayn, shaydaan ayaana ka dhex adeegtay. in maalin walba dad isku dhintaanna aad ayaan uga xunnahay. marka hore waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii ay dadku kaga dhinteen oo aan ALLE uga baryayo in uu samir iyo iimaan ka siiyo inta geeriyootayna ALLE in  uu u naxariisto, inta innagaga dhaawacantayna waxaan ALLE uga baryaynaa in uu inoo caafiyo.”

Madaxweyne ku-xigeenka qaranka oo ka hadlayay tallaabada ay ka qaadeen illaa imika deegaanka ay shaqaaqada colaadeed ka dhacday, ayaa yidhi “horta halkan (warbaahinta) ka sheegi maayno waxyaabaha aanu ka qabanay, laakiin xukuumadda way ka go’an tahay in aan halkaa dad dambe innagaga dhiman oo tallaabo dawladeed laga qaado cid kasta oo gacan ku yeelata isku dilka dadkaas walaalaha ah, imikana ciidankii qaranka iyo madax kale oo dawladda ahiba way joogaan, lagana yeeli maayo in ay dadkaa isku noosha ah colaad ka dhex huriyaan, waxaanan ugu baaqayaa labada beelood ee walaalaha ah in ay  nabad gelyada wada illaashadaan oo ciddii  wax tabanaysaa  ay wada hadal arrinteeda ku dhammaysto. tallaabo dawladeed ayaana shaqaynaysa oo dib loogu dul-qaadan maayo.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo la waydiiyay 27 guurada maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland farriinta ay caalamka u dirayaan, ayaa ku jawaabay “horta marka hore ee ay dibedda innaga joogaan waxay innaga aaminsan yihiin iyo markay in oo yimaadaan waxay innagu arkaan aad ayay u kala duwan yihiin, waxaanay marka hore innaga aaminsan yihiin in aynu nahay meel fawdo ah oo la mid ah Soomaaliya, laakiin markay inoo yimaadaan ee ay arkaan Somaliland ayay xaqiiqada arkaan oo ay sheegaan Somaliland waxay qabsatay iyo halka ay gaadhay, laakiin waxaan leeyahay oo aan farriintayda debbaal degga 27 guurada maalinta qaran aan u soo jeedinayaa beesha caalamku in ay qiraan xuquuqda  iyo xaqa ay Somaliland u leedahay in  la aqoonsado oo ay qiraan in ay tahay qaran dhisan oo jira oo dhammaystiray dhammaan shuruudihii dhawladnimo.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo la hadlayay bulshada reer Somaliland ayaa ku hambalyeeyay 27 guurada maalinta qarannimada Somaliland iyo curashada bisha barakaysan ee Ramadaan “waxaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba aan ku hambalyaynayaa 27 guurada munaasibadda maalinta qaran iyo curashada bisha barakaysan ee Ramadaan. waxaanan ALLE innooga baryayaa in uu sannadka, sannadkiisa innagu gaadhsiiyo barwaaqo  iyo horumar, maanta Somaliland meel wanaagsan ayay maraysaa halkaa in aynu hore uga sii socono ayaa loo baahan yahay oo wada jirka iyo isku duubnaanta aynu halkaa ku soo gaadhnay aynu sii wadno, isla markaana cadawgeena aynu meel uga soo wada jeedno.” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply