Wasaaradda Biyaha oo Gurmad u Diraysa Deegaanaddii ay Masiibadu ka Dhacday

0
261

Hargaysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in ay kooxo gurmad oo kala duwan, kana tirsan wasaaradda ay u dirayaan deegaanadii ay dhibaatada gaadhsiiyeen roobabkii duufaanta watay ee qasaaraha ballaadhan dalka soo gaadhsiiyay.

Kooxaha ay wasaaraddu dirayso ayaa isugu jira kooxo farsamo oo soo qiimaynaya baaxadda qasaare ee soo gaadhay ceelashii biyaha ee deegaanada masiibada duufaantu ka dhacday iyo kooxo fayo-dhawr oo ka hor tag ku soo sameeya biyaha fadhiya deegaanadaasi in ay cudurro ka dillaacaan iyo koox dayactir ku soo sameeya ceelasha wixii deg deg loo hagaajin karo.

Agaasimaha guud ee wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Jamaal Cabdi Muuse oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxo gurmad ah u dirayaan goobihii ay masiibadu ka dhacday, waxaanu tilmaamay in ka wasaarad ahaan qaybta ay ku leeyihiin gurmadka ay ka qayb qaadanayaan.

Agaasimaha guud oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ka qayb qaadanaynaa gurmadka dadkii ku wax yeeloobay roobabkii duufaanada watay ee ka da’ay gobalada galbeedka Somaliland, guddida gurmadka ee wasaarada horumrinta biyaha waxay u kala baxayaan saddex qaybood oo kala ah. qaybta farsamada dayactirka ceelasha biyaha oo aanu ugu talo galnay haddii dhibaatooyinku sii bataan in ay wax ka qabtaan, qaybina waa kooxda soo qiimaynaysa baahiyaha iyo sida ay u kala mudan yihiin ee wax looga qabanayo si ay qiimayn ugu soo sameeyaan gobalada oo dhan oo ay qiimeeyaan sida ay tahay xaalada guud ee biyaha dalka. qaybina waa kooxda taakulaynta dadka iyo fayo-dhawrka goobaha biyo fadhiisinka ah waana qaybta ugu ballaadhan guddi ahaan.”

Agaasimaha guud ee wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Jamaal Cabdi Muuse, waxa uu sheegay in gurmadka wasaaraddooda ay ka bilaabayaan goobaha ku teedsan xeebaha dalka, waxaanu yidhi “Gurmadka waxaannu ka bilaabaynaa gobalada ku teedsan xeebabaha dalka, guddi kalena waxay tegi doonaan magaalada Berbera oo biyuhu ku soo fataheen. guddi kalena waxay tegi doonaan gobalka Awdal oo ah gobolka dhibaatada ugu wayni ka soo gaadhay roobabkii dabaylaha watay ee deegaankaas ka da’ay. waxa kale oo jirta koox kale oo aannu u diri doono gobolada roobabku ka da’een, si looga hortago cudurada iyo wasakhowga biyaha, waxaanan xooga saaraynaa in toddobo cisho gudohood aan ku soo saarno qiimayn guud oo ah waxyeelada soo gaadhay goobaha biyaha ee gobolka Awdal”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply