Dawladda oo Amar Adag ka soo Saartay Ammaanka Laascaanood

0
282

Laascaanood (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaga dhawaaqay go’aamo adag oo salka ku haya xasilinta iyo adkaynta nabad-gelyada gobolka Sool, waxaana go’aamadaasi lagu mamnuucay sidashada hubka aan sharciga ahayn.

Amarradan la xidhiidha ammaanka ayaa ka soo baxay wafti ka kooban golayaasha qaranka oo uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax. Waxaana sidoo kale go’aamadaasi lagu mamnuucay qabashada shirarka jaraa’id ee aan haysan ogolaanshaha iyo in magaalada lagu dhex maro baabuurta aan lahayn lambarka aqoonsiga gaadiidka Somaliland.

Amarrada go’aankani xambaarsan yahay oo ka kooban lix qodob ayaa waxa u akhriyay warbaahinta xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada, waxaanay u dhignaayeen sidan:–

“Ujeedo:– Hubka gaadiidka iyo shirarka, si loo adkeeyo nabad-geliyada loona illaaliyo ku dhaqanka sharciga anaga oo tixgalineynaa talo soo jeedintii wax-garadka gobolka Sool anaga oo fulineyna waajibaadka shaqo ee waftiga golayaasha qaranka ee gobolka Sool ku sugan waxaa aanu maanta oo bishu tahay 23/5/2018 soo saaray amarada soo socda.

1- Marka laga reebo ciidanka booliska oo kaliya waxaa reeban ku sidashada iyo la dhex-marka hubka magaalada Laascaanood gudaheeda.

2- Waxaa reebban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid aan laheyn lambarka aqoonsiga gaadiidka Jamhuuriyadda Somaliland.

3- Waxaa la mamnuucay qabashada shirarka iyo kulan saxaafadeed (Shir Jaraa’id) oo aan ogolaanshiyo ka heysan guddida nabadgelyada gobolka Sool.

4- Cidkasta oo ku talaabsata falal kicin ah, kuna lid ah nabadgeliyada gobolka Sool, waxaa loo qaadanayaa danbiile.

5- Ciddii ku xadgudubta amaradaasi ku xusan 1,2,3,4 ee aan soo sheegay ee wareegtadan waxaa laga qaadayaa talaabada sharci ee ku haboon.

6- Dhammaan xubnaha guddida nabadgeliyada gobolka Sool, xubnaha hay’addaha gobolka Sool, iyo degmada Laascaanood waxaa la farayaa inay toos ugu hawlgalaan fulinta ammaradani.”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in hubka iyo waxyaabaha kicinta bulshada qaybta ka ahi ay magaalada mabnuuc ka yihiin waxaanu yidhi “Amaradaasi leydin faray ayay soo saareen waxaana khasaba oo laga doonayaa bulshadu inay ku dhaqanto loomana baahna hub, kicin iyo wax kale oo lala dhexmaro gudaha magaalada hadii markii hore ay dhaceysay maanta laga bilaabo haku talo galo, inaan looga dulqaadan doonin amase aan laga yeeli doonin inuu iska hadlo amase uu ku kaco arrimo nabad-geliyada waxyeelaya, hubkana sidiisaba waxaa qaadan kara ciidamada qalabka sida, qofkii lagu qabto isaga oo hubsita hubkana waa laga qaadayaa wixii danbiya ee uu muteystayna waa laga qaadayaa, lagana yeelimaayo”

Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dhaqan galayaan qodobadaasi waxaanu yidhi “Gobolku xaalada dagaal oo deg dega ayuu ku jiraa warbaahintana waxyaabaha bulshada kicinaya ee ay soo duubayaan loo dulqaadanmaayo, waxaana loo baahan yahay awaamirtan in la fuliyo waana amaro inaga faa’iido inoo ah waxaanu u baahanahay ka warbaahin ahaan inaad nala shaqeysaan oo aad nagala shaqeysaan abniga waxaa aynu rabnaa inaynu gobolkeena horumarino kana shaqeyno nabadgaliyadiisa war-murtiyeedkii ay Puntland soo saartay waxaa ay ku sheegtay in ninkii Somaliland la shaqeeya dil lagu xukumayo anagu dadkayaga odhan mayo waa dil ee waxaanu leenahay nagala shaqeeya nabad-geliyada gobolka, Puntland darisbaynu nahay iyagana waxaan ka waaninayaa waxaa lagu jiraa bishii barakeysneyd ee Rabadaan ee dhiiga dadka in aanay ku soo deg deign.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply