Tawaawaca C/Weli Gaas iyo Taariikh Xumada uu ka Taransaday Tukaraq

0
266

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, C/Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa u muuqda inay taladu ka dhabaqday  oo caleentiisu caddaatey siyaasiyan.

 Cabdi-weli Gaas waxa  iska soo xidhay  isku day uu ku doonayay inuu dagaal uu la galo  Somaliland ku kasbado muddo kordhin u noqota cimri dherer uu  kaga sii taliyo  maamul-goboleedkaas, maadaama lagu wado inay doorasho dadban oo madaxtinimo ka dhacdo gobolkaas bisha December ee sannadkan. Iyadoo  dadka siyaasadda axadhaa  aaminsan yihiin in maamulka Garoowe hagaasay afartii sannadood  ee uu majaraha u hayey marka laga eego dhinacyada amniga iyo awooda laamaha maamulka Puntland.

Qardoofooyinka Puntland ku haysay Somaliland  way badnaayeen,  hase ahaatee waxay jab aanay ka soo waaqsan Karin intii muddo ah kala kulmeen ciidammada qaranka oo 24kii Bishan ay isku haleeleen   dagaal ka dhacay jiida  Tukaraq.

Maxaa ka run ah dhawaaqa Cabdi-weli:

Xafiiska hoggaamiyaha Puntland, Cabdiweli Gaas, ayaa Axadii 27kii bishan soo saaray war-murtiyeed ay kaga jawaab celinayeen  bayaankii dheeraa ee madaxweynaha Somaliland ku iftiiminayey siyaasadda  nabadda ku dhisan ee xukuumadiisa iyo  daan-daansiga dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya ka samaynayso soohdimaha Somaliland.  Qoraalka Puntland waxa uu ahaa tawaawac  hor leh iyo  xog la’aan taariikheed  oo haysata siyaasigan  qurbajooga ah, waxaanu eedo  been abuur ah u jeediyey madaxweynaha Somaliland oo ah mid dhinac walba nolosha kaga waayo aragsan maamuleyaasha Soomaaliya.

Waxa kaloo uu ka been sheegay madaxweynaha Puntland inay iyagu weerarka  soo qaadeen dagaalkii Khamiistii oo  khubarrada millatarigu ku tilmaansadeen  miidaankii “kala baxa”  wuxuu guul-daradii ka gaadhay dagaalkaas uu isku dayayaa inuu marin habaabiyo bulshadiisa iyadoo xogta dagaalka xaqiiqdiisa ay ka  warqabaan  shacabka Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo waqooyiga Gaalkacyo oo si weyn looga tabay  guryahoodii da’yartii uu dabka saaray.

Yaa Dagaalamaya?

Dawladda Somaliland mustawaheeda maaha inay  ku tiigaasho maamul-goboleedka Puntland oo hoos tagga xukuumadda Muqdisho ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waana xukuumadaas cidda ay is hayaan Somaliland.  Xukuumadda Muqdisho  xubno ka mid ah ayaa soo nashqadeeyay  xasarada ay Soomaaliya ka wado soohdinta ay la wadaagto Somaliland.

Sidaas darteed, waxa Cabdiweli Gaas ka qaracmay in Somaliland ay dagaalkiisa u aragto mid  aan isaga ka soo fulin hase ahaatee loogu laqimay   inay dantiisu ku jirto dagaal uu la galo  Somaliland.

In dagaalka Tukaraq ay xukuumadda Soomaaliya  kaalin ku leedahay waxa  caddaynaysa  dhaawacyadii  ay u daadgureeyeen  magaalada Muqdisho iyo booqashadii uu Farmaajo ugu tagay cusbitaalka Xamar.

Gebo-gabo:

Somaliland waxay faq iyo fagaareba ka shaacisay mowqifkeeda la xidhiidha  inaanay taako ka mid ah dhulkeeda uga tagaynin Soomaaliya, waxaana Cabdi-weli Gaas iyo Farmaajo la gudboon inay candhuuftooda dib uga liqaan inay ku xisaabtamaan dhulka Somaliland, waxaana la joogaa wakhtigii ay mandaqada ka talaabsan lahaayeen  inta ILAAHAY kaga uumay oo kaliya. Taasi oo ah sida kaliya ee lagu sii xoojin karo nabad ku wada noolaanshaha gobolka Geeska Afrika.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Leave a Reply