Wasiirka Waxbarashada oo Faah Faahiyay Qaladaadka Ardaygu ku Waayi Karo Gelista Imtixaanka

0
305

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda waxbarshada iyo sayniska Prof: Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon,ayaa faah faahin ka bixiyay qaladaadka ardaygu ku waayi karo in uu ka mid noqdo ardayga u fadhiisanaysa Imtixaanka shahaadiga ee dalka.

Waxaa kale oo uu waalidiinta  uga digay in ay qaladaadla ubadkoodu ku kacayaan ee ay ka gelayaan hannaanka saxa ah ee waxbarashada in ay ku gacan siiyaan,waxaanu meesha ka saaray wasiirku in ay sjaqaynayso shahaado been abuur ah iyo arday la soo boodsiiyay midnaba.

“Waxyaabo waxbarashada ku khaldan oo ah inay ka boodaan, sanadadii loogu talagaley inay waxbarashada qaataan inay u boodaan una boodaan meel aan loogu talo galin, si ay u soo gaabiyaan mudada ay waxbaranayaan , arrinkaasina waxaad moodaa in waalidiin badani ubadkooda raali kala yihiin ku raacsan yihiin kuna difaacayaan, ubadkiina markii ay arkeen in waalidkood la ogol yahay, iskuulaad faro badan oo kuwa dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ah, aanay arrintaasi qabaneyn oo aanay joojineyn, arrimahaasi waanu mabnuucnay ka wasaarad ahaan”

Waxaa kale oo uu sheegay in ay wasaaraddu haysato qalab casri ah oo ay ku ogaannayso ardayga waxbarsaho sax  ah soo qaatay iyo ka been abuurka la shir yimaadda “Waxaanu dadka u sheegaynaa inaanu imika heysano qalab aanu ku qabano amase ku  ogaaneynaa    ardayga soo booday ee ka soo booday sanadihii loogu talagay inuu soo qaato”

Waxaanu waaalidiinta uga digay in ay ubadkooda ku gacan siiyaan qaladaadka ay galaan eeay wasaaraddu ku qabato“Imtixaankii shahaadiga ahaa  ayaa la gelayaa bishan aakhirkeeda, wakhtigii rasmiga ahaana wali maanan go’aamin bisha june tobanka ugu danbeeya ayaa imtixaanka loo fadhiisan doonaa, waxaanu rabnaa in loo diyaar garoobo, ardayda aanu soo qabaney liisaskooda iyo magacyadooda dugsiyadooda waanu heynaa waanu soo dhajineynaa waanu u sheegaynaa iskul kasta iyo arday kasta, waxaanu codsaneynaa in aan lagu buuqin lagu murmin oo aan na loogu iman, iskuulada qaar ayaa waxyari imtixaanka u fadhiisanayaan boqolaal arday dhiganayeen kuligood way wada boodeen waxaanay sameeyeen khiyaamo noocaasi oo miidhana wixiina way socon waayeen, diwaanka ayaanay noogu jiraan cid ku soo lugoodana yaanay jirin, shahaadooyinkii la wada fooljari gareeyayna waanu qabanay, imtixaanadkii ayaa la galayaa oo waanu adkeynay waxyaabihii ay ardaydu u adeegsan jireen galitaanka imtixaanka anaga oo aan gacanba kula tagin ayaanu ku qabaneynaa hadaad mobil sidatid, qofkii aanu ku qabanana imtixaanka waanu ka kansal gareynaynaa, iskuulaadka gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladaba sidaasi hawla socdaan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply