Hargeysa: Carruur Walaalo ah oo ku Geeriyooday Shil Baabuur

0
376

Hargeysa (Dawan)- Saddex carruur ah oo walaalo ah ayaa geeriyooday kaddib markii gaadhi uu ku jiidhay Xaafada Maslaha ee koonfurta Hargeysa gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha .

Carruurtan ayuu jiidhay gaadhi ku socda xawaare aad u dheeranayaa sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidanka waddooyinka Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Climi waxaanu sababay dhimashada saddex carruur oo kala ahaa laba wiil iyo gabadh

Aabbaha dhalay carruurta oo wejigiisa ay ka muuqata murugada geerida naxdinta leh ayaa warbaahinta u sheegay “ Anigu goobta maan joogin saddexda carruurta ah guriga ayaan kaga tegay iyaga oo nabad qaba, dabadeed aniga oo suuqa jooga ayuunbaa laygu yidhi saddex carruurta ahaa laba way dhinteen , dhakhtaarkaan ugu imi oo mid baan nafta kusoo gaadhay , meel ay ku jidheen ma hubo laakiin halkaa Masalaha ayaa laygu yidhi “

Aabaha masiibadu haleeshay ayuu telefashanka maxliga ah ee Horn Cable wax ka waydiyey da’da caruurta waxaanu yidhi “Carruurta inan labaatan jir ah ayaa ugu weynayd ,mid saddex iyo toban jir bu ahaa midna shan iyo toban jir markaa inantu guriga ay joogtay oo ka shaqayn jirtay labada kalena waxbay dhigan jireen”

Alle haw naxariistee carruurta shilkan gaadhi ku geeriyootay ayay dhawaan hooyadood geeriyootay. Dhimashada ugu badan ee ka dhacda gudaha Somaliland ayey sabab u yihiin gadiidka xawaaraha ku socda kuwaas oo isku dhaca ama jiidha dadka waana arrin u baahan in si weyn talo qaran looga yeesho si loo badbaadiyo nolosha dadka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply