Siyaasi Sharraxay Kala Duwanaanshaha Beelnimada iyo Xuduudaha Dalalka Farriinna u Diray Bulshada Sool

0
274

Hargeysa (Dawan):- Wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland ee xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, mudane Axmed Cali Casoowe ayaa si qoto-dheer faah faahin uga bixiyay sida aan qabiilku u samayn karin soohdin ay beeluhu wadaagaan iyo in aanay jirin beelo xuduud kala leh oo soohdimo wadaaga.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in beesha gobolada Sool iyo Buuhoodle aan Somaliland lagu qasbin, cidina aanay ku dirqiyin ee ay hormuud u ahayd la soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland, isla markaana ay kaalintooda ka qaadateen shirkii Burco ee sannadkii 1991-kii 18 May, ee lagu go’aamiyay la soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland, cidina aanay ka lahayn Somaliland ee ay tahay qaran ay leeyihiin oo ay dhismihiisa iyo difaaciisaba wax ku leeyihiin, waajibna uu ka saaran yahay.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay duulaanka gardarada ah ee Puntland ku soo qaaday Somaliland oo uu sheegay in cidda wadda ee dagaalka gardarada ah Somaliland ku soo qaaday in ay tahay Puntland oo uu dabada ka wado Madaxweynaha maamul goboleedkaas Cabdiwali Gaas.

Waxaanu u soo jeediyay dadweynaha deegaanada Puntland in ay iska qabtaan fidmo waleyaal dhiigga ubadkooda daadinaya oo doonaya in ay dhallinyarada reer Puntland colaad iyo dagaal geliyaan.

Waxaa kale oo uu u soo jeediyay bulshada gobolada Sool iyo Buuhoodle in rag carruurtoodii Maraykan geystay in aanay carruurtooda kaga khamaarin isla markaana aan lagu dagin magac qabiil oo loogu yeedho ee ay iska ogaadaan.

Waxaanu hambalyeeyay socdaalkii ugu dambeeyay ee uu ku tegay xarunta gobolka Buuhoodle wasiirka Hawlaha guud iyo wefti uu hoggaaminayay oo uu tilmaamay in ay fashiliyeen oo ay ka hor tageen dhubaato iyo colaad uu degaanada la doonayay ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Camay oo dab doonayay in uu deeganadaas ka huriyo.

Waxaanu sidaa ku sheegay Casoowe Waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan.

Casoowe oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Waxaan wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta ku hambalyeynayaa hawsha wacan ee uu ka qabtay gobolka Buuhoodle ee fashiliyay dhagar laga soo abaabuley meelo kale, oo la rabay dadkaa in dhibaato lagu geliyo, isaga waan hambalyeynayaa iyo weftigii kale ee socdaalka ku wehelinayayba, bulshoweynta gobolka Buuhoodle mowqifka iyagu ay qaateen ee dhibaatooyinka jira ay ka qaateen, aadbaan iyagana ugu bogaadinayaa”

Casoowe oo ka hadlayay hadal cadawga Somaliland dibedaha la war wareegaan oo ay kaga been sheegaan beesha gobolka Sool waxaa uu yidhi. “Beesha aan ka soo jeedo ee Dhulbahante dadbaa yidhaahda Somalilandnimadu dhab kama aha, waxaan caddeynayaa Burco ninkii joogeybaa joogey ee nalaguma qasbin Somaliland-ta, Somalilandnimada sidii dadkii kale u rabeen ayaanu u rabnay amase si ka sii fog, beeshan Dhulbahantena iyada ayaa Somaliland dooratay oo cid ku khasabtay ma jirto”

Wasiirkii hore ee Caddaaladda oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Somaliland xuduudeeda wey caddeysatay tan Puntland waxaanu leenahay beeluhu ma sameeyaan xuduud, xuduudana ma kala laha qabaa’ilku dadkii ka tagey Burco ayaa joogey Caluula oo xuduud malaha qabaa’il oo looma sameeyo, Puntlandna dawlad xuduudo sameyn karta oo xataa gobolo u sameyn karta oo dawlad sharciya maaha, dawlad dhexe ayaa sameyn karta xuduudaha dawladdii siyaad iyo tii ka horraysay ee rayidka aheydba sideedii ayay ku ilaalisay, oo xuduudda may qashqashin,xuduudda Somaliland dood qabiil ma iman karto, doodaasina waa dood jaban ayaan leeyahay”

Mar uu ka hadlyay dhibaatooyinka Cabdiwali Gaas ku hayo Somaliland iyo Soomaaliyaba waxaa uu yidhi. “Maamulka Cabdiwali Gaas, dhibaato ayuu ku yahay Soomaaliya maaha Somaliland oo kaliya, dawlada Faderalka ah ayuu ku yahay Farmaajo iyo dawladiisu isaga ayay ka shaqeyn la’yihiin Somaliland isaga ayaa dhibaato ku ah, maamulkii Khaatumo ee Dhulbahante dhistay isaga ayaa dhabar jabiyay maanta Harti iyo waxaa iguma beerlaxawsan karo, arrinta Tuke-raq anigu Faroole ku eedeyn maayo ee Cabdiweli Gaas ayaa ku eedeysan, dadbaa halkan kaga eedeeya ee anigu ku eedeyn maayo, Cabdiweli xasaradda Faroole ayuu Baydhabo u joogey reer Puntland waxaan ugu baaqaya odaygii caqliga ku kala waday ee Faroole ku soo celiya kursiga”

“Somaliland dad jooga ayaa durbaanka qabiilka ee xagaasi laga tumayo iyaguna halkan ka tumaya dagaalka halkaa ka socdaa maaha dagaal qabiil, waa dagaal siyaasadeed oo Puntland ayaa soo duushay Cabdiweli iyo Cabdixakiin ubadkoodii waxay joogaan Mareykan oo ay biirka ku cabbaan ubad cid kale ayay rabaan inay ku khamaaraan dadka Dhulbahante waxaan leeyahay ubadkiina yaan leydinkaga khamaarin oo nin ubadkiisi meel dhigtay yaanu idinku duulin”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply