Wasaradda Hawlaha Guud oo Mamnuucdasy Sheegashada Buuraha

0
302

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland, ayaa mamnuucday sheegashada Buuraha iyo jeex-jeexyada, isla markaana amar cad ka soo saartay in laga qodo ciidda guryaha lagu dhiso ee loo soo qaado gudaha magaalada Hargeysa oo dhibaato weyn oo halis ahi ay ka dhalan karto.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi oo shalay kormeer shaqo ku soo maray qaar ka mid ah buuraha darafyada caasimadda Hargeysa, waxa kale oo uu ku dhaliilay dawlaha hoose in aanay wada shaqayn fiican la lahayn wasaaradda Hawlaha guud, isla markaana ay dhankooda ka soo baxaan amarro kala duwan oo aan is ogayn oo buuraha iyo jeex-jeexyada cid lagu siinayo, taasoo uu sheegay in ay mamnuuc tahay. buuraha iyo jeex-jeexyaduna ay yihiin hanti qaran oo aan cidina sheegan karin, mulkiyadna aan loo siin karin.

Wasiirku waxa uu u soo jeediyay dawladaha hoose in ay ka wada shaqeeyaan qorsheyaasha nashqadaynta magaalooyinka iyo kor u qaadista bilicda magaalooyinka iyo ka hortagga halista ay keeni karto buuraha oo ciidda laga qodo.

Wasiir Qambi oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Dadka buuraha sheeganaya ee leh hebel baa buurtaa leh amase shirkadaa ayaa iska leh, waa mabnuuc. buuraha iyo jeex jeexyada magaalada cid hantiyi kartaa ma jirto amase si gaar ah u sheegan kartaa”

Wasiirka oo ka hadlayay halista ka dhalan karta marka buurta ciidda laga raro ee la qodo waxaa uu yidhi “Buurtani waa magaalada dhexdeedii toban mitir in ka badan ayaa hoos loo qoday, xoolahaasi buurta dhakadeeda daaqaya haddii ay soo shalwadaan dabaysha ayaa googoyneysa inta aanay dhulka soo gaadhin, waxaanu u dignay gaadiidka cagafyada ee u shaqeeya dhismayaasha ka socda gudaha magaalada, kuwaasi oo soo fujiya ciidda hase ahaate in badan oo iyaga ka mid ah arrimahan waanu ku soo xidh xidnay, annaga oo uga dignay inay magaalada iyo buurahaba ka daayaan dhalan gediska, waayo dalku wuu ku baaba’ayaa oo bilicda magaaladu way ku baaba’aysaa, xoolaha ayaa halis ugu jira, dadka ayay halis ku tahay”

Wasiirka oo ka hadlayay in ay arrintan maayerada magaalooyinka ay ka wada shireen, ayaa yidhi “In badan ayaanu maayarada ka shirnay in aanu ka wada shaqeyno wixii dalka iyo dadka u dan ah oo danta guud wada ilaalino, 24-saacna waxaanu heegan u nahay ilaalinta dhulka danta guud.”

Waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata. “hawlwadeenada dawladaha hoose iyaga laf ahaantoodu ma kala amar qaataan, marba nin ayaa meel ka dhaqaaqaya xildhibaan ah, meeshay doontaba ha ahaate, dhul aan loo fasixin ayuu iska qorsheynayaa iyo kuwa danguud ah ba, dad baa la siinayaa waa la iibinayaa, dhibaato weyn ayaa ka jirta halkaasi dawlad hoose meel ay joogtaba way na daba martaa, waxaan leeyahay danta guud aynu ka wada shaqeyno waxaan leeyahay nashqadeynta guud ee magaalada aynu isaga nimaadno waxaanu go’aan ku gaadhney in aanu hawshaasi annagu(wsaaradda hawlaha guud) aanu qabano” Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply