Wasaaradda Beeraha oo Dalagyo kala Duwan ku Beertay Afar Boqol oo Higtar

0
249

Beer (Dawan)- Wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland oo ku foogan taabagelinta wax soo saarka dalagyada beeraha ee dalka ayaa degmada Beer ee gobolka Togdheer ka bilowday daah furka dhul afar boqol oo higtar ah oo loogu talo galay in laga beero dalagyo kala duwan, si meesha looga saaro baahida raashinka waddamada shisheeye laga keeno .

Guddoomiyaha degmada Beer , Xasan Cali yare ayaa sheegay in degmo ahaan ay xukumadda ugu deeqaan maal dhul ahaan dhan afar boqol oo higtar kaasi oo lagu tala galay in laga beero dalagyo kala duwan “ hadaanu nahay reer beereed waxa aanu bixinay afar boqol oo higtar oo aanu deeqnay xukumadda si looga soo saaro dalagyo loona beero , taasi ayaa saaka la bilaabayaa lana beerayaa “ ayuu yidhi

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta beeraha , Dr. Axmed Cali Maax ayaa sheegay in Siyaasada dawladda ay tahay hirgelinta wax soo saarka beeruhu isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “Siyaasada dawladda ayey ahayd in loo guntado xagga wax soo saarka waxa aan idinku bogaadinayaa dadweynaha reer beereed sida aad u ajiibteen baaqa kasoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland islamarkaana ay hormood ka tahay wasaaradda beeruhu waayo waxa aad noqonteen degmadii ugu horaysay ee dhul noogu deeqda “

Dadweynaha kala duwan ee degmada Beer ayaa soo dhaweeyey hirgelinta wax soo saarka beeraha ee ay wado Wasaaradda horumarinta beeraha oo kaashanaysa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil ( Saylici)-

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply