“Xisbiga WADDANI Wuxuu si Buuxda u Garab Taagan Yahay Ciidanka Qaranka” Guddoomiye Cirro

0
250

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheehay in ay ka xisbi ahaan si buuxda u garab taagan yihiin ciidanka qaranka Somaliland ee heeganka ugu jira difaaca qaranka Somaliland.

Waxa kale oo uu guddoomiye Cirro ka war bixiyay socdaal uu ku soo maray dalal dhawr ah oo ka mid ah waddamada qaarada Yurub, waxaanu sheegay in socdaalkoodu ahaa mid shaqo, isla markaana dalalka ay soo mareen ay kala hadleen qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiye Cirro oo shalay isaga iyo wefti xisbigiisa ah oo uu hoggaaminayay ay dalka ku soo noqdeen oo warbaahinta la hadlay,ayaa yidhi “Waxaanu safar shaqo ugu maqnayn dalal ka mid ah qaarada Yurub oo ay ka mid ahaayeen Beljam, Sweden, Denmarka iyo Jarmalka ,waxaanan la kulanay madax kala duwan, waxaanan ka qayb galnay shirar, waxaanan guud ahaan kala hadalnay qadiyadda Somaliland, arimaha horumarka, nabadgelyada, shaqo abuurka iyo doorashooyinka. waxaanu safarkani qayb muhiima ka ahaa badhi taarka loogu jiro qadiyada Somaliland.”

Guddoomiyaha Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray ”waxaan ALLE ka baryaynaa in uu colaadaha innaga joojiyo, waxaanu xisbigu si buuxda u garab taagan yahay qarankiisa iyo ciidanka qaranka, waxaanan ka qayb qaadanaynaa in colaadaha aynu nabadayno.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply