Boqor Buur-madow oo Cafis Madaxweyne Lagu Sii Daayay

0
296

Hargaysa (Dawan)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ku magac dheer Buur-madow, oo muddo 2 bilood ku siman ku xidhnaa xabsiga dhex ee magaaladda Hargaysa ayaa shalay xoriyadiisa dib u helay. Kadib markii madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyay.

Boqor Buur-madow oo la xidhay 21-kii bishii April ee sanadkan ayay maxkamadda gobolka Maroodijeex ku xukuntay 3 sanadood oo xabsi ah. waxaana wakhtigaasi maxkamadu ku eedaysay in uu galay denbi ka dhan ah qaranimadda Somaliland. Iyadoo loo cuskaday sababta xadhigiisa in horaantii isla bishii April hadal uu ka jeediyay munaasibad dhaqan oo uu kaga qayb galay tuulladda Carmo ee Puntland, halkaana ka jeediyay arrimo lidi ku ah gooni isutaaga Somaliland iyo hawlaha ciidamadda.

Boqor Buur-madow oo kadib markii shalay xabsiga laga sii daayay warbaahinta kula hadlay guriga uu Hargaysa ka degan yahay ayaa sheegay in dareenkiisu wanaagsan yahay oo uu aad ugu faraxsan yahay siidayntiisa iyo sidii wanaagsanayd ee loola dhaqmay intii uu xidhnaa.

Isagoo dareenkiisa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maan xidhnayne, waan nastay. Nasasho fiican ayaan helay. Dareenkaygu wuu fiican yahay, aad iyo aad ayaan u fiicanahay, wax dhibaato ahina ma jiraan”.

Sidoo kale boqor Cismaan Buur-madow, waxa uu xusay in uu aad uga xun yahay kana damqanayo dhibaatadii labadda beelood ee intii uu xidhnaa ka dhacday Ceel-Afweyn, isla markaana uu xalinta colaadaasi si dhakhso ah uga hawl geli doono.

Waxaanu yidhi “Waxa kaloo aan aad iyo aad uga xumahay intii aan xidhnaa dhibaatadii ka dhacday gobolka Sanaag iyo ehelkaygii, aad iyo aad ayaanan uga damqanayaa wixii ka dhacay iyo dhibaatadii ka timid. Iyada-na si dhakhso ah ayaanu uga hawl gelaynaa, waxaananu jecel nahay in aanu anagu dhexdayadda ka dhamaysano.

Dad ehel ah oo aan kala maarmin ayaanu nahay, in aanu dhamaysano wixii hore nooga xumaaday, ee naanays nagu keenay, ee cid waliba nagu dhaliilaysay-na aanay dib u iman”.

Dhinaca kale boqor Buur-madow oo la waydiiyay in uu sii wadayo wadashayntii isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa, ayaa sheegay in aanay wax iska bedeli doonin mawqifkiisii ahaa in uu la shaqeeyo madaxweynaha iyo xukuumadiisa, isla markaana ay madaxweyne Biixi saaxiibo dhaw yihiin.

Isagoo tilmaamay in aan laga filan Karin mudadda uu xilka hayo in marnaba isaga xagiisa wax dhibaato ahi ay uga timaado madaxweynaha, wax kastoo tallo wanaagsan iyo toosin ahna uu la garab istaagayo.

“Madaxweynuhu, waa madaxweynahaygii aan doortay. Waxaanan u dooranay in uu sax iyo khalad-ba dalka hogaamiyo. Waanan u mahad naqayaa, oo aniga wax uu ii siyaadiyay mooyee, waxba imuu yeelin.

Anagu in aanu dedaalkayaga muujino, oo aanu dalka hogaan u doorano, iskuma ciil-kaambiyayno. Waajib ayaanay ahayd in aanu qabano” ayuu yidhi Buur-madow.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Madaxweynaha-na waanu dooranay, waanu karaamaynay, rag saaxiibo ahna waanu ahayn. Anigu waan hubaa in aan saaxiib la ahay. Imika-na saaxiib ayaanu nahay.

Weliba in aanu toos-toosino mooyee, inta uu dedaalka ku jiro, in xagayga wax kaga yimaadaan diyaar uma nihin. Sababta oo ah haddii aad geed ku tacabto, oo aad beerto in uu hagaagsanaado ayuunbaad jeceshahay”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply