Xooluhuba way yaqaanaan sida loo dhargo

0
309

Maqaal: Waxa inagu soo noq noqanaya dhibaato aynu dheefteeda qadanay 1960.oo aynu ka qadanay gumeystihi la odhan jiraya ingiriis. Waxa aynu hadana mar labaad ka qadanay taliskii macangaga ahaa ee siyaad bare sanadii 1991. dawladii la odhan jiray Somali weyn oo aynu kala soo  noqonay,Xornimadii ku baxday dhiiga geesiga . Somaliland oo iyadu ku hanaqaaday horumar nabad galyo iyo wada tashi guurti .madaxweynaha somaliya waxa uu iska indho tiray oo ayaan daro ku ah xukumada uu madaxweynaha ka yahay oo Gondihiisa ku burburaysa .waxa uu doonay in uu xag xagasho badheedh ah iyo xulafaysi,iyo buuq ku galiyo nabad galyada iyo dawlad nimada Somaliland oo muqadas ah .

isaga oo ka maseeray horumar ka ay Somaliland sameysatay ee maalgalinta mersada berbera ,waxa uu hadana doonay in uu car qaladeeyo xuduuda lama taabtan ka ah ee Somaliland ay ledahay oo uu ingiriis ku u calamadiyey  wakhtigii uu talyaanigu gumaysanayay wadamada koonfurta.dawlada somaliya xag xagashada iyo xulafaysiga micno darada ah ee ay ku xulafaysanayo maamul goboleedeeda ayaa ah mid lid ku ah qaranimada Somaliland. Shacab ka reer Somaliland iyaga oo hadhsaanaya gobanimada ku baxday dhiiga geesiga ayay ka dhidhiyeen,xaalada ay abuurayaan maamulka shilin yaqaan ka ah ee somaliya .waxa aynu wada ogsoonahay dawlada Somaliland in ay tahay ,Damal hadhweyn oo ay hadhsadaan shacabkeedu. Maamulada somaliya oo ah calooshoda u shaqeystayaal, waayo somaliya waxa uu dabku ku baxayaa 30 sano in ku dhaw. waxa ayna arin taaasi ku tahay cidhibtir dhamaan umada somaliya.

Inaga oo wada ogsoon Xooluhuba waa yaqaanan sida loo dhargo,waxa aynu leenahahy Somaliland iyo umadeedu,waxa ka go,an dalka daafac diidi mayno soomali ku duul dooni mayno .waayo dhamaan umada somaliyeed waa dad walaalo ah oo islaamna ah waxa ka go,an in uu helo qof kasta  dawlad dimuqraadiyad ah oo nabad ku taaba gashay.waxa aynu leenahay dawlada somaliya in ay lugooyo ku tahay maamulka puntland ee faro galinta qaawan donayay in ay kula kacaan Somaliland xududaheeda lama taabtan ka ah.

Waxa ay ayaan daro ku ah shacab ka wax ma garatada ah ee ay cidhibtirku ku socday 30 ka sano in ku dhaw oo ay xabadu ka socoto Somalia waxana ku kala danbeyay madaxweynayaal faro badan oo uu ugu danbeeyo farmaajo,waxa intaas oo dhan ayaan daro ku ah in ay shacabkoodu ilaa hada ay toosh ku radinayaan nabad galyadii . maamul kooduna uu isna noqday maamul, Malafsiga iyo xag xagashada faynuus u qaatay, halka ay u umada Somaliland u sii hayamayaan horumar iyo wada tashi si ay u gadhaan hadafkooda…….

By: Saalim Cabdillaahi Aadam (Wayab)

 

Leave a Reply