Madaxweyne ku Xigeenka oo Dadka Ajinabiga ah uga Digay in ay ku Gefaan Sharciga Dalka

0
249

Hargeysa (Dawan)- Madadaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dadka ajaanibka ah ee ku sugan gudaha Somaliland uga digay in ay khilaafaan sharciga dalka, oo ay dhawraan qawaaniinta dalku leeyahay, sidoo kalena waxa uu bulshasda Somaliland ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan dadka qaxoontiga ah.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta qaxoontiga adduunka oo ku beegan 20-ka bisha lixaad (June) oo lagu qabtay Hargeysa, waxaanu ugu baaqay dadka aan dalka u dhalan ee marti gelinta ku jooga in ay u hoggaasamaan sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalla .

Madadaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Iyada oo la inagu yaqaan dhaqan wanaagsan iyo inaynu martida soorno oo soo dhaweyno waxaan shacabka reer Somaliland u soo jeedinayaa in ay soo dhaweeyaan ee qaxoontiga ah, oo ay dadkaas si wacan usoo dhaweeyaan, iyagana (dadka qaxoontiga ah) waxa aan leeyahay waa inay ilaaliyaan dalka shuruucdiisa oo dhaqanka dhawraan oo ay karaamo iyo sharaf halkan ugu noolaadaan oo ay dalka ka ilaaliyaan wixii sharci-jabin ah.”

Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinif), madax kala duwan oo ka socotay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxoontiga, qaar kamid ah dadka barakayacayaasha ah ee ku sugan Jamhuuriyadda Somaliland iyo marti-sharaf kale, ayaa madaashi ka jeediyey hadallo ku saabsan sida hagar la’aanta ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland iskaga xilsaartay daryeelka dadka qaxoontiga ah ee dalkeeda ku sugan.

Xubno ku hadlayey magaca hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Qaxoontiga oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland shacab iyo xukuumadba ku ammaanay muhiimadda ay siisay dadka dalka kusoo baro-kacay, iyaga oo ku dardaarmay inay sii siyaadiyaan daryeelka qaxoontiga.
Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, Mudane Cabdikariim Axmed Maxamed(Xinif) oo isaguna halkaas hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey, ayaa si adag ula dardaarmay dadka qaxoontiga ah ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ku adkeeyey inay u hoggaansamaan shuruucda iyo qawaaniinta waddanka, kana digtoonaadaan wax kasta oo liddi ku ah amniga iyo dhaqanka bulshada reer Somaliland.

Mudane Cabdikariin Xinif oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somaliland si xushmad iyo karaamo leh u daryeello qaxoonti tiradoodu ku dhawdahay Labaatan kun, kuwaas oo ay xukuumaddu u hagar baxday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Somaliland waxa ay dhabarka u ridatay inay dalkeeda si nabadgelyo ah oo xor ah ugu noolaadaan qaxoonti tiradoodu dhan tahay 19581(Sagaal iyo toban kun shan boqol iyo siddeetan iyo kow qof), ahmiyadda ay xukuumaddii hore siisayna waa xukuumaddii oggolaatay in dadka reer Yemen ee soo qaxay ee dhibaatadu ku dhacday lagu soo dhaweeyo Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadda maantuna ahmiyad taas ka weyn ayey siisay oo dadka qaxoontiga ah waxa ay u samaysay hay’ad dadkaas u gaar ah oo ka war haysa ayey u samaysay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply