Hay’adda Barakacayaasha oo Sheegtay in Qoxoonti Ka Badan 19581 oo Qof ay Joogaan Somaliland

0
316

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in tiradda qoxoontiga ku nool wadankeeda ay kor u dhaafayaan 19581 (sagaal iyo tiban kun iyo sideetan iyo kow qof), kuwaas oo ka kala yimid wadamo ku kala yaalla qaaradaha Afrika, Aasiya iyo meello kale.

Qoxoontigaasi ayaa la sheegay in intoodda ugu badan ay ka yimaadeen wadamadda Yemen, Itoobiya, Suuriya, Soomaaliya iyo dalal kale, kuwaas oo isugu jira qaar qoxoontinimo ay u aqoonsatay hay’adda UNHCR iyo kuwo magan geliyo siyaasadeed u jooga.

Sidaasina waxaa sheegay guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo baro-kaceyaasha ee Somaliland Cabdirakiin Axmed Maxamed (C/kariin Xinif), oo hadal ka jeediyay munaasibadii xuska maalinta qoxoontiga adduunka oo ku beegnayd 20-kii bishan June.

Waxa kale oo uu intaas ku daray guddoomiye Xinif, in xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa sidii loo ilaalin lahaa, loona daryeeli lahaa dadka qoxoontiga ah ee ku nool dalkeeda in ay u samaysay hay’ad u gaara oo ka shaqaysa arrimahoodda.

Guddoomiyaha hay’adda arrimaha qoxoontiga iyo baro-kaceyaasha oo arrimahaasi faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Annagu tiradda dadka aanu hayno ee qoxontinimadda ku jooga Somaliland waa 19581 oo qof, waana inta noo diiwaangashan uun. Waxaa jira tiro kale oo intaa ka badan oo iyagu sifooyin kale ku jooga dalka.

Markii la arkay tirada qoxoontiga faraha badan ee u soo qaxaya Somaliland, ayaa iyadoo laga duulayo si qoxoontiga loo ilaaliyo, loona daryeelo ayaa xukuumadani waxay u samaysay hay’ad u gaara, oo baahidoodda iyo arrimahooda ka war haysa.”

Mudane Cabdikariin Xinif waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay xil-weyn iska saartay daryeelka iyo ilaalinta dadka qaxoontiga ah, waxaanu yidhi “Waxaa muuqata in iyadoo la og yahay Somaliland duruufaha ay ku jirto, in wax masuuliyadeedda ka baxsan ay iska saartay. Qoxoontiga ugu badan ee Somaliland ku nool marka laga hadlayo, waxaa markiiba dadka maskaxdoodda ku soo dhacaysa Itoobiya.

Laakiin waxaa ka badan qoxoontiga wadamadda kale ka yimid, waxaa jira kuwo ka yimid Yurub, Aasiya ayay ka yimaadeen, Afrikada kale ayay ka yimaadeen. Tiro 6000 ka badan oo Yemeniyiin qoxoonti ah ayaa dalkeena jooga, oo loo ogolaaday in ay ku noolaadaan”.

Guddoomiyaha hay’adda arrimaha qoxoontiga iyo baro-kaceyaasha Somaliland, waxa uu intaas ku daray “Tiro 8000 iyo dheeraad Itoobiyaan ah ayaa dalka Somaliland jooga. 2000 oo qof wax kor u dhaafaysa oo Soomaali ah ayaa iyaguna jooga. Suuriyaan ayaa jooga, Masaari ayaa jooga, kuwo Ereteriya u dhashay ayaa jooga, Falastiiniyiin ayaa jooga, Ciraaqiyiin ayaa jooga, qaar Urdun ka yimid ayaa jooga, Nayjeeriyaan ayaa jooga, Kenya qoxoonti ka yimid ayaa jooga, sidoo kale Suudaan qaar ka soo qaxay ayaa jooga, Bangladesh qoxoonti ah ayaa jooga, Mozambique kuwo ka yimid ayaa jooga, dadkaa kala duduwan ee qoxoontiga ah ayaa Somaliland jooga. Intaasi waa inta aanu og nahay”.

Geesta kale Cabdikariin Xinif, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dawladda Yemen oo ah wadanka ay ka soo jeedaan qoxoontiga ugu badan ee jooga Somaliland aanay ka war haynin dadkeedaasi, isla markaana codsiyo ay dhawr jeer u direen ay ka dhego adaygeen. Waxaanu ugu baaqay dawladda Yemen gaar ahaana safiirradooda u fadhiya wadamadda Somaliland la deriska ah in ay u yimaadaan oo ay soo arkaan xaaladda nololeed ee qoxoontigoodda jooga Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda arrimaha qoxoontiga iyo baro-kaceyaasha Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinid) waxa uu farriin diray dawladda Yemen, waxa uu yidhi “Waxaan ka xumahay, in dawladda Yemen ee aynu jaarka nahay aanay war u haynin in dad dalkooda u dhashay ay joogaan Somaliland. Safaaradahooga waanu la xidhiidhnay si ay dadkooda ugu yimaadaan, una ogaadaan in Somaliland ay hayso qoxoonti Yemeniyiin ah, ilaa hadda jawaab kama hayno.

Waxaanu dawladda Yemen ugu baaqaynaa, safiirradooda u fadhiya wadamadda nala jaarka ah in ay soo eegaan, oo u yimaadaan si ay u ogaadaan xaaladda dadkooda jooga Somaliland. Markaa waxaanu ka codsanaynaa, oo fariintani aan u dirayaa in ay dawladda Yemen ka war hesho qoxoontiga ka jooga Somaliland”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply