Nuxurka Warqad uu Madaxweyne Muuse u Gudbiyey Xoghayaha Qaramadda Midoobay

0
270

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku baaqay In wakiilka Xoghayaha QM ee xilligan iyo kuwa mustaqbalku ka feejignaadaan kala dhantaalida xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Somaliland iyo Qaramadda Midoobay.

Qoraal ka kooban saddex bogg, oo Madaxweyne Md. Biixi u diray xoghayaha Qaramada Midoobay Mr. Antonio Guteress ayaa lagu sheegay diidmada xukuumada Somaliland ka muujisay qoraal wakiilkiisa Somaliland iyo Soomaaliya Mr. keating u soo qoray, isla markaana loo arko mid dhinac ah, ,“Waxaan jecelahay inaan dareenkaaga u soo jeediyo inaanan ku qanacsanayn qoraal naga soo gaadhay wakiilkaaga, isla markaana u muuqata mid dhinac keliya u xaglinaysa, aan xaqiiqada jirta ka hadlayn, hadal deelqaaf ah, oo faa’iido lahayn guud ahaan muujinaysa.” Ayuu madaxweynuhu ku yidhi warqaada

Qoraalka Madaxweynaha JSL oo dheeraa, oo luuqada Ingiriisiga ku qornaa, isla markaana wargeyska Dawan, idiin soo koobay nuxurkiisa ayaa u dhigan sidan:,

“Waxaan si cad ugu sheegay wakiilkaaga in xukuumada Somaliland aqbashay saddexda shardi ee lagu soo jeediyey joojinta colaada Tukeraq. Oo kala ahaa joojinta colaada, in hay’addaha gargaarku u helaan madaxbanaani ay ku tagaan, in saraakiisha labada dhinac xidhiidh wada hadal yeeshaan. Waanan u xaqiijinayn aqbalaadayada markuu booqashada ku yimi Somaliland 14 May, 2018, balse waxuu u muuqdaa nin iska indho-tiraya geedi-socodkii dalkani soo maray iyo inuu dariiq nabadgelyo u maro caqabado kastoo yimaada xalintooda.

Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in QM iyo JSL wadaagaan xidhiidh wanaagsan, isla markaana ka digay in wakiilka QM ee Somaliland iyo Soomaaliya ee xilligan iyo kuwa mustaqbalku wiiqaan, waxaanu yidhi,

“Waxaan Xoghaye Guud, la wadaagnaa iskaashi wanaagsan qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’addaheeda gargaarka bani’aadminimo ka geysta deegaanada Somaliland, waxaan rajaynayaa inuu iskaashigaasi sii xoogaysto. Waxaan rajaynayaa in wakiilkaaga xilligan iyo kuwa mustaqbalku, aanay ku dhaqaaqin talaabo wiiqda nabad iyo xasiloonida aanu dedaalka ku hantinay.

Madaxweynaha JSL Md. Biixi ayaa sheegay in dalkiisu weli masaafo gaadhaysa 70 KM u jiro xadka dalkiisu la wadaago Soomaaliya ee caalamiga ah la calaamadiyey sannadkii 1894tii, waxaanu yidhi,

“Somaliland waxay u jirtaa xuduudkeeda masaafo gaadhaysa 70 KM, xuduudka oo la calaamadiyey sannadkii 1894tii, mar kalena la isla qaatay sannadkii 1964tii “

Madaxweyne Md. Biixi ayaa ballanqaaday inuu soo dhoweynayo talaabo kastoo loo qaadayo xalinta dhibaatadan colaadaha oo loo marayo xal waara oo cadaalad ah, waxaanu yidhi,

“Waxaanu ka qeybqaadan doonaa dedaal kastoo lagu dhammaynayo khilaafkan, Waxaan kuu ballanqaadayaa inaanan bilaabi doonin weerar, balse kuu caddaynayaa inaan is difaaci doono hadii nalagu soo weeraro gudaha dalkayaga.” Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply