Wasaaradda Caddaaladda oo Dawooyin Gaadhsiinaysa Xabsiyada Dalka oo Dhan

0
321

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Farriid) ayaa ka waramay qisadii ugu layaabka badneyd ee uu la kulmay mudadii uu hayay xilka wasiirka caddaaladda.

Wasiir Cabdiqani waxaa uu shaaca ka qaaday inay sameynayaan xabsi u gaar ah carruurta. Sidoo kalena waxa uu sheegay in caddaaladda iyo garsoorka Somaliland uu hadda marayo meeshii abid ugu wanaagsaneyd, waxaanu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.

Wasiirka wasaaradda caddaaladda mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo ka waramaya dhacdadii ugu layaabka badneyd ee uu la kulmay mudadii uu xilka hayay waxaa uu yidhi “Ka wasiir ahaan waxaan qabaa in caddaaladda ama garsoorka Somaliland maanta meel fiican marayo, sababta oo ah waxaa uu ka yimi meel aad u fog oo meesha hadda uu marayo aan aheyn, inta badan waxaa aan eega cid caddaaladd darro ka cabaneysa midda kale warbaahinta Somaliland ayaan ku arkay nin kufsaday gabadh uu adeer u yahay, ayaa nootaayo Burco ku taalla u qor tahay inuu yahay aabbeheed, subixii ayaan wasaaradda imid waxaanan weydiiyay nootayada Burco ku taala ee qortay falkan nooca ee aynaan garaneynin waa maxay? Baadhitaan faro badan kadib waxaanu hellay oo ninkii lahaa nootayada o ruqsadii doonaya ayaa noogu yimi wasaaradda waanu qirtay in uu isagu hawshaa gacantiisa ku qoray waxaanu wax ka weydiiney waxaa ku kelifay in uu qoraalka noocana qoro, waxaanu noo sheegay in dadka isaga ay qaraabada ahaayeen ee yaallay magaalada Burco kana yimi Puntland inay yidhaahan ninkani isaga ayaa dhalay ilmahan markaa sidaasi darteed ayaan u qoray, waxaanan ku idhi waraaq aad ku beenineyso oo aad CID-da u qortay inaanu ilmahaasi dhalin ma heysaa hadii kale ruqsad ku siinmaayo haa ayuu yidhi warqadiina wuu soo qaatay intaa kadibna ruqsadii ayaanu siinay”

Sidoo kale Cabdiqani waxaa uu ka hadlay xaalada ay ku sugan maxaabiista jeelasha ku jiraa waxaanu yidhi “Siyaasada madaxweynaha qaranka Somaliland ayaa ah horumarinta xaalada maxaabiista jeelasha, anagana waxaa uu qorshahayagu yahay in aanu ka duulo siyaasada madaxweynaha, ee aanu noqon xabsigu meel qofka lagu hayo uun, hase ahaate uu noqdo goob horumarineed oo aqoonta lagu barto, taasi ayaanu hirgaliney oo qorshaheedii koobaad waanu sameynay, iyada oo laamaha dawlada ee ay khuseyso aanu isugu yeedhney hanaankii loo dhaqangelinlahaa waxbarashada jeelasha ayaanu hada gacanta ku heynaa, si ay bulshada jeelasha ku jirtaa ay u soo baxaan iyaga oo dhaqan iyo asluub leh, xeerka jeelasha qodobkiisa 8-daad farqadiisa 14-naad xeerka xabsiyada ee 65/2014 wuxuu qofka siinayaa inuu guto waajibaadkiisa diiniga ah ee ah diinta Islaamka gutana cibaadadiisa si sugan, maxbuuska ehelkiisa iyo qarabadiisuba way soo booqdaan waxaana waajib ka dhigay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 27-naad waxaana sii waajibiyay xeerka xabsiyada qodobka 3-aad farqadiisa 4-aad ayaa dhigeysa in eheladiisa iyo qaraabadiisu soo booqdaan ilaa hadana si toosa ayay u soo booqdaan”

“Si weyn ayaanu uga warheynaa fayadhawrka maxaabiista jeelasha ku jirta, 23/6/2018 waxaa baxaya kooxo ka tirsan wasaaradda kuwaasi oo daawooyin geyn doona xabsiyada gobolada Somaliland oo dhan, taliyaha ciidanka asluubta waanu uga mahad celineyna sugista nadaafada jeelasha si looga hortago si aanu maxbuuska xannuuno ula soo darsin inta uu xoriyadiisa dib u helayo, ciidanka asluubta iyo wasaaradda cadaaladdana xidhiidh aad u wanaagsan ayaa ka dhaxeeya ubadka iyo dadka waaweyn meel kuma wada xidhno ee waanu kala dunaa, Insha Allah mustaqbalkana waxaa uu qorshahayagu yahay in aanu sameyno xabsi carruurta u gaara”ayuu yidhi wasiirka wasaaradda cadaaladda mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply