Safaarada Djibouti ee Hargeysa oo Diwaan-Gelinaysa Muwaadiniinteeda Hawlgabka ah

0
664

Hargeysa (Dawan)- Safiirka Dawlada Djibouti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa baaq u diray muwaadiniinta reer Djibouti ee ku sugan gobalada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay inay safaaraddu ay bilaabi doonto diiwangalinta muwaadiniintooda hawlgabka ah.

Ambassador Xuseen Cumar Kawaaliye, waxa uu sheegay in safaradda bilaabayso hawsha diwaangelinta muwaadiniinteeda 23-ka bishan ee sannadka 2018, waxaanu u soo jeediyay in ay yimaadaan xafiiska safaarada si ay isku diwaan geliyaan, si loo xoojiyo wada shaqaynta safaaradda iyo bulshada, isla markaana loogu fidiyo adeeg huffan.

Xuseen Cumar Kawaaliye, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan baaq u diraynaa dadka reer Djibouti ee ku sugan geyiga Somaliland, waxaanan leeyahay bisha 23.06.2018 waxaan ka bilaabi doonaa xafiiska safaarada Jamhuuriyada Djibouti ee Majidka Sheekh Mustafe Agtiisa Diiwangalinta Dadka Hawlgabka ah, waxaanan idinka codsanaynaa inaad timaadaan si aad isku diiwaangalisaan, shaqooyinkii kale oo dhan waa aanu joojinay waxaanan muujinay inaan dadkeena muwaadiniinta ah ee Djibouti ee hawlgabka ah iyo kuwa ka soo hadhay masuuliyiintii keydka in ay nala joogaan oo aan wada shaqeynayno, inaan u fududeyno oo xooga saari doono ayaan ugu talo galnay, taas oo ay tahay siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaacil Cumar Geele nagu amray anaga in Soomaalida reer Djibouti meel kasta oo ay joogaan in loo adeego oo loo fududeeyo waajibkooda si ay iskaga dhex arkaan dawladooda.”

Safiir Xuseen Cumar Kawaaliye, sidoo kale waxa uuu muwaadiniinta reer Djibouti ee Ku sugan magaalooyinka iyo gobalada Somaliland ugu baaqay in ay soo qaataan kaadhkooda dhalashada, baasaaboorkooda iyo kaadhkii cadeynayay in ay hawlgab yahiin, waxaanu yidhi “Waxaan idinka codsanaynaa inaad si baaxad leh uga qeyb qaadataan oo aad soo qaadataan kaadhkiini dhalashada Djibouti ahaa, Baasaboorkiini kaadhka Djibouti ahaa iyo kaadhkiini hawlgabka aad ku qaadanayseen ee cadeynaayay inaad hawlgab tihiin oo leh keydka bulshada reydka ah ee loogu tala galay hawlgabka”

Waa markii ugu horeysay ee muwaadiniinta reer Djibouti ee ku dhaqan Somaliland loo sameynayo diiwangalin hawlahoodi gaarka loogu fulinaayo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply