“Qaxoontiga Waxaannu u Samaynaynaa Aqoonsi Adag si Ammaanka Dalka loo Sugo”

0
325

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay ku hawlan tahay qorshe kaadhadh aqoonsi loogu samaynayo dadka qaxoontiga ah ee dalka ku sugan, isla markaana ay ku samaynayso tirokoob lagu kala saarayo dadka ah qaxoontiga rasmiga ah iyo kuwa aan ahayn.

Sidaana waxa sheegay guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed oo shalay hadal ka jeediyay kulan lagu dejinayo qorshe hawleedka wasaaradda ee shanta sannadood ee soo socda.

Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed, waxa kale oo uu sheegay in ka hay’ad ahaan ay dhawaan tirakoob ku samayn doonaan dadka barakacayaasha ah ee dalka ku sugan, isla markaana ay sugayaan dadka rasmiga ah ee barakacayaasha iyo kuwa aan ahayn ee ku dhex jira.

Mudane Cabdikariin Xinnif oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qorshahayagu waxa weeye in Dadka qaxoontiga ah ee aan dalka u dhalan ee loo aqoonsaday qaxoontinimada, in aanu muddo kooban ku kala saarno kumaa qaxoonti ah, kumaase aan xaq u lahayn, maxaa qaxoonti loo aqoonsaday maxaanse loo aqoonsanayn, kumaa la celinayaa, kee baa se la qaabilayaa oo lahaynayaa.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadka qaxoontiga ah ee dalka ku sugan ay dhibaato ka haysato dawladda, sidoo kalena ay jirto dhibaatooyin badan oo ah haysta iyaga laftigooda, waxaanu yidhi “dadka qaxoontiga ah dhibaato ayaa haysata, anaga dawlad ahaana dhibaato ayaa naga haysata, labada dhibaataba way jiraan, dhibaatada haysata iyaga waxa weeye waa dad qaxoonti ah, aqoonsi dhab ah oo xaqiiqo ahna ma laha, waraaq yar oo A4 ah oo sawirkiisu ku yaala ayaa la siinayaa, taasina way ka googo’aysaa.”

“Dhibaatada jirta waxa mid ah in warqadaa yar aqoonsiga loo siiyay in la kala koobiyeeyo oo la foojari gareeyay oo laga sameeyay kumanaan koobi, dad badan ayaanu ku qabanay oo hadda u xidh xidhan, taasi ayaa ka mid ah dhibaatada ay dawladda ku hayaan. Dadkaa sidii loogu samayn lahaa kaadhadh la aqoonsan yahay oo amaankoodu adag yahay oo dawladda ka soo baxa oo dadkaasi la siiyo ayaa loo baahan yahay ,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdikariin Xinnif.

Mudane Cabdikarriin Xinnif waxa uu sheegay in ay diwaan gelin ku samaynayaan dadka qaxoontiga ah ee dalka ku sagan isla markaana ay siinayaan kaadhka aqoonsiga, waxaanu yidhi “Waxaanu go’aansanay in aanu isticmaalno qalabka lagu sameeyay kaadhadhka dhalashada Somaliland in aanu qalabkaa isticmaalno oo aanu anagu u samayno kaadhadh dadka qaxoontiga ah. Sababta oo ah dhibaatadii iyo amni darradii way na saamaynaysaa, oo daroogo ayay dalka soo galiyaan, hub ayay dalka soo geliyaan, dhaqan xumo kale ayay dalka soo galinayaan oo xashiishad ayay dalka soo galinayaan, sharciguna qof kasta wuu qabanayaa, markaa waxaanu doonaynaa in aanu dadkaasi qaxoontiga ah u samayno kaadhadh aqoonsi.”

Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed, waxa kale oo uu tilmaamay in qorshahooda ay ka mid tahay in tirakooban dadka ku barakacay dalka, waxaanu yidhi “Qorshayaasha aanu doonayno in ay noo fulaan shanta sannadood ee soo socda, waxa noo qorshaysan dadka barakacayaasha ah ee dalka ku barakacay sidii loo heli lahaa tiradooda rasmiga ah oo sugan, sababta oo ah hadda intii aanu joognay xafiiska waxaa noo soo baxday in ay jiraan dad badan oo qoran in ay yihiin barakacayaal oo la daryeelo isla markaana qaata deeqihii loogu talo galay dadka barakacayaasha ah, balse aan ahayn, kuwaasi oo ah dad ladan oo ah kuwii la rabay in ay iyagu wax taraan oo ay taageeraan dadka barakacayaasha ah ee jilicsan ee danyarta ah, waxaa noo qorshaysan in aanu kala saarno isla markaana shantan sannadood gudahooda aanu helno tirada saxda ah oo ah dadka rasmiga ah ee barakacayaasha ah.”

“Waxaanu doonaynaa in aanu kala saarno oo aanu ogaano dadka barakacayaasha ah ee runta ah ee baahan ee duruufuhu haystaan ee u baahan in wax lala qabto iyo dadka ku dhex jira ee aan ahayn, waa qorsha aanu doonayno in aanu qabanno muddadaas. Isla markaana dadka inta soo hadhay ee barakacayaasha rasmiga ah noqotay dib loo deegaameeyo oo cid waliba wixii ay hayso ay la qabato, oo la deegaameeyo oo xoolo loo iibiyo ama Beero loo sameeyo ama kalluumaysato ama ganacasi loo abuuro si ay iskugu filnaadaan.”

Dawannews Hargeysa offie

Leave a Reply