Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo Ibo-Furtay Qorshe Wasaaraddaha Ku Cusub

0
321

Hargeysa ( Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilowday qorshe aan hore loogu arag habka maamulka qaybaha kala duwan ee ay ka kooban yihiin wasaarraddaha qaranku , Masuulyiiinta iyo Shaqaalaha wasaaradda horumarinta beeraha oo ay horkacayaan wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha mudane Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Axmed Cali Maax ayaa maalintii sabtidii u ambabaxay deegaan Wajaale ee gobolka Gebilay iyaga oo haramayn ku soo sameeyey qodaalka ay wasaaraddu ka qoday Mashruuca beereedka Wajaale. 

Wasiirka wasaaradda Horumarinta beeraha Mudane Seed ayaa sharaxaad ka bixiyey ololahan haramaynta ee ay masuuliyiinta iyo shaqalaha wasaaraddu ku sameeyeen dalagyada ay wasaaraddu beertay waxaana uu sheegay in ay tani qayb ka tahay dedaalka ay ugu jiraan sidii dalka wax soo saar balaadhan oo dhanka cuntada ah looga heli lahaa.
“Mashruuca Wajaale maanta haramayntiisa masuuliyiin iyo shaqaale ba waanu u dhannahay, waxaananu halkan u nimid gudashada waajibaadka qaran ee na saran, iyada oo qodaalkii ay wasaaraddu beertay aanu maanta haramaynayno” ayuu yidhi

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Dalagyada aanu halkan ka qodnayna waxa ka mid ah Digir, Sinsin, Hadhuudh iyo Gallay, waxaanan u mahadcelinayaa madaxa mashruucan Mawliid iyo kooxdiisa oo dedaal gaar ah sameeyey”.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha Dr. Axmed Cali Maax, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maayarka Wajaale iyo masuuliyiin kale oo madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada in wax soo saar bulshada la timaada leedahay.

Haramayntan oo daba socotay dedaalka ay wasaaraddu ku doonayso inay wax soo saar balaadhan ka sameyso saddexda deegaan ee kala ah Wajaale, Xaaxi iyo deegaanka Beer ayaa bishii April ee sannadkan wasaaraddu bilawday qodaalka dalagyada Beeraha Wajaale, iyada oo qodaalkan markii uu soo baxayna masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaraddu ka hawlgaleen sidii looga guri lahaa haramaha ka dhex baxay.

Arrintan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee guud ahaan madax iyo shaqaale ka tirsan wasaarad ay si midaysan usoo fuliyeen hawl-maalmeedkooda oo ka baxsan xarunta ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa .

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa u muuqda Masuul kasbaday quluubta shucuubta Somaliland ku dhaqan ka dib markii uu gartay waajibka iyo shaqada qaranku u dirsaday .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply