Guddoomiyaha Wakiillada oo Farriin u Diray Siyaasiyiinta Sool ee Qaranka Ka Fallaagoobay

0
301

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax,ayaa farriin adag u diray siyaasiyiinta u dhashay Sool iyo Buuhoodle ee qaranka ka falaagoobay isla markaana sheegay in aan loo dulqaadan doonin qof qaranka Somaliland Dembi ka galay in uu si fudud dalka dib ugu soo noqdo oo lasoo gelbiyo.

Waxaa kale oo uu sheegay in Somaliland aanay marnaba dagaal wadin isla markaana aanay cidna cadaw ku ahayn waxanu intaa ku daray in cid kasta oo duulaan ku soo qaada Somaliland ay iska difaacayso dalkeeda iyo dadkeedana ay difaacayso.

Waxaanu farriin u diray shaqsiyaadka u dhashay Somaliland ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle ee la safan Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo uu tilmaamay in ay dhalashadoodii Somalilandnimo ay lumiyeen oo aanay dalka Somaliland dadkiisa kamid ahayn dibna ugu soo noqon doonin.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland oo ka hadlayay munaasid lagu xusayay 58 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay ka xorowday gumaysigii Ingiriiska oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland,ayaa ugu horrayn ka hadlay dagaalka Tukaraq iyo ujeeda Somaliland weerarka loogu soo qaaday, waxaanu, yidhi. “Cabdi Wali iyo ina Camay waligood dagaal may galin Dhulbahante uma,danaynayaan waa wax lala yaabo in uu yidhaahdo Ina Camay dhulbahante ayaan u danaynayaa,dagaalku waxa uu ka dhaxeeyaa Somaliland iyo Soomaaliya ee Isir kama dhaxeeyo. waxaanu doonayaa in muddo kordhin loo sameeyo muddo kordhinta marka loo sameeyana Cabdiwali dagaalka wuu joojinayaa.”

Waxaanu guddoomiye Baashe Farriin u diray madaxdhaqameedka Puntland waxaanu yidhi. “waxaan u soo jeedinayaa isimada Putland in labo sano ay u kordhiyaan Cabdiwali iyo Ina Camay, markaa waxaan leeyahay dadku meelo ayay kala degaan.” Waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata Guddoomiye Baashe “ annagu waxaanu ka mid nahay Somaliland, qofkii ku hamiyaya in uu qasbo waxaan leeyahay candhuuf taada dib u liq nin kii ka soo jeeda Sool Sanaag iyo Buuhoodle ee ka qayb gala dagaalkaa waxa uu lumiyay jinsiyadii Somaliland dibna ugu soo noqon maayo carro dhulbahante. ee Garoowe ayuun buu joogayaa Somaliland dagaal ma,rabto una dulqaadan mayno nin inta uu Garoowe iyo Xamar iska tago berrina la soo galbiyo qof qaran kan dambi ka galay ,”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply