Wasiir Koore oo Luuqad Adag kula Hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland

0
347

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Wasiir Koore waxaa uu sheegay in Somaliland ay 74-sannadood ay aheyd dawlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale. Sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in hadalka Cabdiweli Gaas ee wakhtigani aanu aheyn mid xaqiiqada ku saleysan ee uu yahay mid daneysiya.

Wasiirka wasaaradda biyaha mudane Saleebaan waxaa uu caddeeyay in isir naceyb ka dhaxeeya bulshada Somaliland iyo Puntland aanay jirin, “Gobolka Sool malaha Cabdiweli Gaas waanu la socone waxaa ciidanka keenay dadkii gobolka u dhashay waxaana madaxweyne dalka ka ahaa Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, ciidamada qaranka Somalilandna waxaa ay goobta gaadheen 12-sanno ka hor, Cabdiweli Gaas cidiba magiciisa may aqoon markii ciidanku meesha gaadheen, inta uu leeyahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ciidamo meesha keenay, ciidamaduna markay meesha gaadheen Siilaanyana madaxweyne muu heyn Muuse Biixina iskabadaayo, taariikhda guunka ah ee Somaliland iyo sida ay wax isubadaleen kamaba war hayo, dadka Somaliland iyo kuwa Puntland wax isir naceyba oo ka jiraa ma jiraan, Somaliland iyo Soomaaliyana wax isir naceyba oo dhexyaala ma jiro, hase ahaate waxaa ay kala leeyihiin dano iyo xuduuda cidkasta qarankeeda u madax banaan yahay, Isirka uu ku dhololayo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland mid jira oo xaqiiqo ah ee waa mid daneysi wakhtiyar oo taagan” ayuu yidhi wasiirka oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa .

Wasiir Saleebaan waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in aanu madaxweynaha maamul goboleedka Puntland heyn taariikhda guunka ah ee Somaliland waxaanu yidhi “Madaxweynaha Puntland waxaan ka xumahay inaanu taariikhda Somalilandtii Ingiriisku gumeysan jiray iyo tii danbe ee Soomaaliya ka goday midna ahayn xuduudaha Somaliland iyo Soomaaliya waxaa la sameeyay wakhtigii ay reer Yurub dhigaha iyo loolka qaybsadeen ee ay isugu tageen Baarlin, 84-60-kii ayay Somaliland hoos joogtay oo ah 74-sannadood gumeystihii Ingiriiska Somaliland 74-sanno ayay aheyd maamul gaara oo ka baxsan Soomaaliya inteeda kale waxaaney leedahay xuduudo badan oo aanay cidi dafiri karin oo duubaan”

Saleebaan Yuusuf Cali Koor ayaa sheegay in ciidanka qaranku awood u leeyihiin difaacista qaranimda Somaliland “Ciidamada Somaliland ee jooga Tuka-raq maaha qaar loo baqayo ee waa qaar cadaw kasta oo soo weerara iska difaaci karaya ciidankana ciidan beeleysan maaha ee waa kuwo qaran oo isku duuban, waana ciidan kala danbeyn leh ee maaha kuwo midba meeshu doono u dhaqaaqayo, oo go’aankiisu meela ka baxo meela ku dhammaado, awood kasta oo kaga timaada cidkastana u diyaara inay talaabo ka qaadan, mana’aha ciidan cid duulaan ku ah iyo ciidan dad qixinaya ee waa ciidan ee waa ciidan goobtooda ku joogaya si nabadgelliyo ah, dadka reer Laascaanoodna markii ay Puntland joogtay iyo maanta siday tahayna way og yihiin” ayuu yidhi

Wasiir Saleebaan ayaa iska fogeeyey inuu   qadiyadda Somaliland u difaacayo xilka iyo mansabka Wasiirnimo ee ku haysto isaga o arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi”Nin la yidhaaho Somalilandbu tagay oo waxbaa loogu yeedhay ma ihi, dadkii Somaliland dhisay ayaan ahey oo anaa dhisay, Somaliland meesha maanta ay taagan tahay raga keenayna waan ka mid ahey askarigii milatariga ahaa iyo kuwii booliska ahaaba waxbaan ka qoray, raga Dhulbahante amase Warsangeli ee wax ka dhisay waxaa ka mida Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, Cismaan Garaad Maxamuud Garaad Cali, Pro. Cali Khaliif Galeydh, Maxamed Axmed Cabdulle Sarkhaan, Axmed Aadan Qaybe, Maxamuud Nuur Saalax Fagadhe, Maxamuud Buraale Ismaaciil, Garaad Abshir Saalax, Gen. Maxamed Abshir Shire, Fu’aad Aadan Cade, Suldaan Ismaaciil Garaad Cali Shire, Sheekh Axmed Sheekh Saalax, Axmed Xaaji Cali Caddami, iyo rag kale oo badan dadka ayaa markhaati ka furi doona inay yihiin kuwo mushahar meel u doontay iyo inay yihiin dadkii ayaantii maskaxdooda wax ka soo dihanayeen ee Somaliland dhisay”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply