Wasiirka Isgaadhiinta iyo Maareeyaha Waddooyinka oo Kormeer Shaqo ku Tegay Waddo Dhismaheedu ka Socdo Allaybayday

0
329

Allaybaday (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tknoolajiyadda Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi Muxumed iyo Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland, Cismaan Sheekh Cabdi Maxamed, Guddiga gacanta ku haysa dhismaha waddada isku xidha, Arabsiyo iyo Allaybayday, madaxda gobolka Gabilay iyo xubno ka mid ah qurbo joogga gobolkaas, ayaa shalay soo kormeeray halka ay marayso dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Arabsiyo iyo Allaybaday.

Masuuliyiinta heer qaran iyo gobol ee soo kormeeray waddadan ayaa sheegay in dhismaha jidkani meel fiican marayso, isla markaana jidka dhismihiisa iyo hir-gelintiisuba ay ka mid ahaayeen qodobaddii ka midka ahaa barnaamij siyaasadeedkii Xisbiga KULMIYE ee bulshada loo ballan qaaday ee xisbigu tartanka ku galay, isla markaana ay ka go’antahay in ay dhammaystiraan.

Guddoomiyaha guddida gacanta ku haysa dhismaha waddadaasi mudane Cumar Aw Faarax, ayaa ugu horrayn halkaasi ka hadlay, waxaanu weftiga uga xog-waramay halka ay marayso dhismaha waddadani, waxaanu bulshada ugu baaqay in ay ka soo qayb qaataan dhaqaalaha ku baxaya jidkan, waxaanu yidhi “Dhismaha waddadu meel fiican ayuu marayaa, dadkana waxaan leeyahay ka soo qayb qaata dhaqaalaha dhismaha jidkan, waxaynu u shaqaynaynaa dalkeena iyo diinteena, waddadaasi qayb weyn ayay ka qaadan doontaa ammaanka, caafimaadka bulshada iyo isu socodka dadweynaha.”

Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo iyaduna ka mid ah xubnaha guddida gacanta ku haysa dhismaha waddadaas, waxaanay sheegtay in dhismaha jidkani aanu bilaabmeen, isla markaana aanu soo gaadheen halka uu xilliga marayo, haddii aanay xukuumaddu gacan wayn ka geysan, waxaanay tidhi “waxaynu halkan isugu nimi hawshii socotay ee dhismaha waddada Allaybaday iyo Arabsiyo, waanay socotaa, waanan uga mahad celinayaa Xukuumadda, haddii aanay ku jirin oo aanay gacan wayn ka geysan dhismaha waddadu muu socdeen, halkan uu maanta marayana muu soo gaadheen.”

Maareeyaha hay’adda waddooyinka Somaliland, Cismaan Sheekh Cabdi oo isaguna ka hadlay kormeerka dhismaha waddada ay ku tageen, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka qaby qaadatay qaybtii hore ee dhismaha waddadan, inta dhimanna ay diyaar u yihiin dhammaystirkeeda, waxaanu yidhi “waxaanu wadnaa sahankii jidadka, waxaanan diyaar u nahay in aanu waddadan dhammaystirkeeda qaybta ugu weyn ka qaadano, waxaanan ALLE ka baryayaa in ay deg deg inoogu dhammaato, iyada oo ay naga go’antahay in xukuumaddu qaybta ugu weyn ay ka qaadato waddadan dhismaheeda.”

Wasiirka Isgaadhsiitna iyo tiknooliyadda, ayaa sheegay in waddadan dhimaheedu uu ahaa mid ka mid ah barnaamijyadii xisbiga KULMIYE ololaha ku galay ee uu bulshada u ballan qaaday. isla markaana uu ka dhabeeyay. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “waddada Allaybaday iyo Arabsiyo waxay ka mid ahayd waxyaabihii ku jiray barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE, uu ku galay ololaha ee lagu soo doortay, waanu ka dhabeeyay bilaabisteeda, waanan u joognaa dhammaystirkeeda. waxa kale oo ay ka mid tahay waddadani tartanka horumarinta gobolada ee gobolka Gabilay uu kula tartamayo gobolada kale.”

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha gobolka Gabilay iyo Maayerka Gabilay oo sheegay in ay gacan ka geysanayaan dhammaystirka jidkaas. isla markaana dawladda hoose ee Gabilay ay dhismaha waddadan miisaaniyaddooda ay ku jirto.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply