Maareeye Ku Xigeenka Madbacadda Qaranka oo Madaxweynahana ku Bogaadiyay Go’aanka Samo Doonka ah iyo Xulka uu U Saaray Ceel-afweyn

0
348

Hargaysa (Dawan) Mareeye ku xigeenka madbacada qaranka Somaliland, mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, ayaa dardaaran u diray labada beelood ee walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka degmada Ceel Afyweyn. kuna adkeeyay in ay nabaddii, walaalnimadii iyo wada dhalashadii soo celiyaan oo ay aqbalaan ergada nabadayntooda u joota Ceel Afweyn ee culimo iyo madax-dhaqameed ba leh oo ay wax kasta ka horraysiiyaan soo celinfta nabad gelyada iyo wada dhalashadii ay ku soo caano maaleen.Maareeye ku xigeenka madbacadda qaranka mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu uga mahad naqay, kuna bogaadiyay, nabadaynta iyo samo doonnimada uu kaga hawl galay soo celinta walaalnimadii labada belood iyo ergada culimo, madax-dhaqameed iyo madax qaran ba leh ee uu u saaray soo af-jaridda colaaddaas.

Mudane Liibaan, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa magaaalada Hargeysa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan leeyahay dadka deegaanka Ceelafwayn ee shaqaaqadu dhex martay, maqla ergadaa idiin timid oo isku tanaasula, ahmiyad wayn ayaanay xukuumaddu siiyay, sidii loo soo afkari lahaa shaqaaqadaas Ceel-afgwayn, waana in ay maqlaan ergadaa dhex-dhexaadinta ugu tagtay. waana in laysu tanaasulo oo lays cafiyo oo la isa saamaxo, wanaagana laga shaqeeyo. Arrintaana waa in lagu taageeraa labeenta Somaliland ee halkaa isugu tagtay. madaxweynahana waan uga mahad naqayaa ergadaa uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka qaranku ee uu u diray Ceel Afawyn iyo gurmadkaa loo fidiyay. Iyada oo horena hawl adag looga soo qabtay, sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqadaas ka dhex dhacday dadkaa walaalaha ah, ee halkaa wada deggan ee shaydaanku ka dhex adeegay. waana in walaalnimadii iyo wada dhalashadii lagu soo celiyo arinta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply