Culimada Nabadeynta ee Ceel Afweyn oo Kudbado ka Jeediyay Masaajidda

0
307

Ceel Afweyn (Dawan)- Culimo Aw Diinka waaweyn ee Somaliland ee nabadeynta u joogtay deegaanka Ceel Afweyn, ee gobolka Sanaag, ayaa shalay khubaddii salaada Jimcaha ka jeediyay qaar ka mid ah Masaajiddada kala duwan ee magaaladaasi, waxaanay culimadaasi khudbadahooda diirada ku saareen halka ay diinta Islaamku ka taagan tahay dhiiga qofka Musliminka ah la daadiyo.

Culimada weaweyn ee ergada nabadaynta ah u jooga magaalada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, ee shalay khudbaddihii salaada Jimcaha ka jeediyay masaajiddada magaaladaasi, ayaa wax aka mid ahaa Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Barbaraawi iyo Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar iyo culimo kale.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir, oo ka mid ah culimada deegaankaasi u joogta nabadeynta ayaa ka hadlay halka ay diinta Islaamku ka taagan tahay dhiig qofka islaam ka ah oo la daadiyo, waxanu yidhi “Nabigeeni Maxamed (NNKH), waxaa uu yidhi, qofka Muslimka ah, dhiigiisu xalaal maaha, saddex mid mooyaane, qofkii oo qof dilay oo la qisaasayo, qofkii oo xaas hore soo maray oo sineystay, arrin sharciya oo ay shareecaddu sheegtay mooyaane dariiqo kale in lagu dilo qof Muslim ahi ma bannaana. Nabigu waxaa uu ku tilmaamay xadiis xurmada ay kabcadu leedahay, dhiiga qofka muminka ah ayaa ka weyn, mar labaadna adduunyada oo meesha ka baxda in uu Illaahey agtiisa kaga miisan badan dilka qofka muminka ah. Qofka si kas ah u dila qof Muslim ah, cadaabkiisu waa naarta Jahanaba ayuu Illaahey yidhi, sumxaana wa ta caalaa.”

Sheeku waxa uu intaasi raaciyay “Qofka dila qof kale oo Muslim ah, Illaahey baa u cadhoodey, nacdalna dusha kaga tuuray, cadaab weyna wuu u diyaariyay, wax aynu kari karnana maaha. dagaalka ka dhex dhaca dad Muslimiin ah waxa loo aaminayaa inuu yahay, dab qabsaday cawskaa agtaada, ama gogosha aad ku seexaneyso. dabkaasina haddii aanad bakhtiin, adigana wuu ku gubayaa, dadka kalena wuu gubayaa. sidaa darted, door bay leeyihiin dadka muslimka ah ee kuwaa dagaalamay aan aheyni, doorkoodaasina waa dadka muslimiinta ah dhexdooda in la wanaajiyo. Waana waajib ee maaha sunne. Waa waajib saran qof kasta oo wax ka tari kara ba. Sababta oo ah amar baa yimid oo Illaahey baa amar bixiyay oo haddii laba kooxood oo Muslimiinta ka mid ahi dagaalamaan, ama laba jaar ah, ama laba qabiilo ama dawladood, in dhexdooda la wanaajyo, ayaa waajib ah, Illaahay inagu waajib yeelay.”

Sheekh Barbaraawi oo isaguna khudbad dheer ka jeediyay mid ka mid ah Masaajiddada magaalada Ceel Afweyn, ayaa bulshada deegaankaasi ugu baaqay inay qaataan wanaada ay wadaan dadka ergada ahi, waxaanu yidhi “Dadka Muuminiinta ah ee deegaanadan degan ee fidnadu ka dhex dhacday ee shaydaan uu isku diray, waxaynu leenahay shaydaanka Illaahey ka magan gala, waxaa shaydaanku idiinku yeedhayo ee idinku yabooyahayaana ogaada inuu lugooyo yahay. Illaahey baa yidhi shaydaanku faqri ayuu idiin yaboohayaa, wax xunna wuu idin farayaa, oo wax wanaagsan idin fari mayo. hishiiska maanta loo yimid ee aan loo kala hadhin, hishiiskaasi waa kheyr ee waa in la aqbalo, warka Illaahey baa run ah, ballanqaad ka Illaahey baa dhab ah. Illaahey waxaa uu yidhi heshiiska ayaa kheyra, si kasta oo uu heshiisku kuula qadhaadhaado oo aad uga xumaato, heshiisku dan ayuu kuu yahay, oo fidnadu haddii ay sii socoto, dhibaato joogta ah ayaa sii soconaysa. heshiiskuna dhibaatadii sii socon lahayd ayuu soo afjarayaa oo meesha uu ka saarayaa.”

Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo isaguna ka mid ahaa culimada khudbadii salaada Jimce ka jeediyay magaalada Ceel Afweyn, ayaa waano iyo dardaaran u soo jeediyay bulshada ku dhaqan deegaankaasi, waxaanu yidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa culimada gobolka Awdal ka timid, tanina waa arrintii saddexaad ee aan ka qayb qaato ee noocaan oo kale ah. Galbeed oo dhan waa laga wada yimid, waxaana loo soo gurmaday dadka walaalaha ah ee dirirtu halkan ku dhex martay. mashaqada halkan ka dhacday ee soo noqnoqotay ee xalkeediina inagu yara adkaaday, in maanta dadkan walaalaheena arrintooda xal laga gaadho ayaa loo baahan yahay, fasahaad ayaa dhacay, haddalka culimada iyo ergadana aynu dhug u yeelano.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply