Nuxurka Kulanka Wasiirrada Khaarajiga Somaliland iyo Itoobiya

0
313

Addis Ababa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobya Dr. Workneh Gebeyehu oo xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo uu weheliyey safiirka Somaliland u fadhiga dalka Ethiopia Amb. Axmed Cigaal iyo u qaybsanaha arrimaha ganacsiga ee safaarada Cabdiraxmaan Cabdi.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland, Kulankaas ayaa lagu lagu lafo guray arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashiga labada dal. Iyada oo si qoto dheer ay isaga xog-waraysteen xaaladda guud ee mandaqada geeska Afrika iyo isbeddelada ku soo kordhaya.

Sidoo kale, waxa labada wasiir isku afgarteen sii xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal iyada oo si wada jir ah loo dardar gelinayo heshiiskii dekedda Berbera iyo xoojinta iskaashiga ganacsiga labada waddan ee saaxiibka ah.

Wasiir Sacad Cali Shire oo maalimihii ugu dambeeyey safarro shaqo ku marayey waddamada galbeedka Afrika ayaa waxa uu kulamo la yeeshay masuuliyiinta qaar ka mid ah dalalka galbeedka Afrika, gaar ahaan Ghana, Senegal iyo Muritaaniya oo uu wasiirku kaga qaybgalay shirkii midawga Afrika.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply