Cilmi Baadhis lagu Samaynayo Kaydinta Xogta Dawladda iyo Hagaha Qaranka

0
262

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada isgaadhsiinta iyo Technologyyada Somaliland ayaa shalay heshiis la gashay jaamacada magaalada Hargeysa. Waxaana heshiiskaasi oo ka dhacay xarunta wasaarada isgaadhsiinta Somaliland ku saabsanaa cilmi baadhis lagu samaynayo kaydinta xogta dawlada iyo sidii loo heli lahaa Technologyad hagta hawlaha qaranka.

Agaasimaha guud ee wasaarada isgaadhsiinta iyo Technologyada Somaliland Eng. Cali Cabdillaahi Daahir ayaa ka war bixiyey heshiiskan ay la galeen jaamacada Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaanu imika bilaabaynaa mashruucii aanu hore u sheegnay ee ahaa xog raadinta iyo kaabaashayaa E-Government, isla markaana ay Technologyadu u noqon lahayd mid xukunta adeegyada ay xukuumadu u qabanayso muwaadiniinta reer Somaliland, si aynu geedigaas dheer u guurno waxa muhiim noqotay inaanu xog ka helno heerka ay Technologyyada isticmaalkeeda ka joogaan hay’addaha dawlada iyo caqabadaha jira, si loo helo xalka, wasaarad ahaana waxaanu garanay in jaamacada Hargeysa oo ah jaamacadii qaranka inay tahay mida ka soo bixi karto hawshaas.”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahiyey ujeedada laga leeyahay heshiiskan waxaanu yidhi “Sidii aynu u ogaan lahayn maxaynu maanta haynaa si aynu u helno daloolada jira iyo caqabadaha jira una heli lahayn xalkoodii, taas oo muhiimada laga leeyahay tahay si aynu helno dal ay hogaamiso Technology-gu oo ka faa,iidaysta, wasaaraduna baryahan waxay waday hawlahaas.”

Hormoodka kuliyada ICT-ga ee jaamacada Hargeysa Mustafe Ismaaciil Ceelaabe oo dhankiisa ka hadlay heshiiskan ayaa cadeeyey inay jaamacada Hargeysa awood u leedahay fulinta heshiiskan waxaanu yidhi “Marka hore waxaan bogaadinayaa xidhiidhka bilawga ah iyo wada shaqayntaas dhex maraysa jaamacada Hargeysa oo ah hay’addii ugu waynayd waxbarashada dalka iyo wasaarada isgaadhsiinta, xidhiidhkaasina waa mid muhiim ah iyada oo jaamacaduhu ay door ku leeyihiin wadanka, mana aha oo kaliya inay ardayda wax baraan balse waxay leeyihiin inay wax ku soo kordhiyaan cilmi baadhisna ka sameeyaan mushkiladaha jira sida dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasada midkay doontaba ha noqotee, aniga oo ku hadlaya Afka kuliyada ICT-ga ee jaamacada Hargeysa awood ayaanu u leenahay inaanu fulino mashruucan.”

Madaxa xidhiidhka Jaamacada Hargeysa Maxamed Sulub oo isaguna ka hadlay heshiiskan ay la gaadheen wasaarada isgaadhsiinta Somaliland ayaa xusay inay wada shaqayn fiicani ka dhaxayso xukuumada Somaliland waxaanu yidhi “Jaamacada Hargeysa awood buuxda ayey u leedahay inay tababar samayso wixii loo baahdo ee dhinaca dawlada ah sida tan hada la samaynayo ee kuliyada ICT-ga iyo wasaarada isgaadhsiintu ay samaynayaan iyo waxyaabihii kale ee loo baahdo ee cilmi baadhis ah, wasaarado badana waxaanu la leenahay wada shaqayn, hawlo badan oo qaranku leeyahay ayey jaamacadu haysaa oo ay ka mid yihiin PFM wasaarada maaliyada iyo cilmi baadhis loo samaynayo baanka dhexe iyo wasaarada maaliyada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply