“Waxa Jira Xeer Ina Horyaalla oo Baanka Dhexe u Xanniban Yahay ”Xildhibaan Bullaale

0
286

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiye ku xigeenka guddiga Joogtada ah ee golaha wakiiladda Somaliland, Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, ayaa ka hadlay xeerar golaha wakiiladda hor yaalla oo dhammaystir la’aantoodu caqabad ay ku noqotay habsami u socodka shaqada Baanka dhexe iyo in uu yeesho awood uu ku shaqeeyo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in maqnaanshaha xeerarkaasi ay sababeen in Baanka dhexe ee Jamhuuriaydda Somaliland lacago badan oo ku soo dhici lahaa ay u soo mari waayeen caqabadahaas uu dhaliyay xeerkaasi horyaalla golaha wakiillada ee qabyada ah.

Waxa kale oo uu intaa ku daray ahmiyadda ay leeyihiin baananka ganacsiga iyo horumarinta oo dalku yeesho. Waxaanu sidaa ka sheegay xildhibaan Bullaale, fadhigii shalay ee golaha wakiiladda oo uu shir guddoominayay gddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo goluhu warbixin kaga dhegaystay guddida joogtada ah ee golahaas.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Iyada oo dalka dhibaato sicir barar ka taagantahay, waxaa jira xeerar ina horyaalla oo uu u xannibanyahay baanka dhexe, waana afar xeer siday warbixin nagu siyeen masuuliyiinta baanka dhexe, dhaqaale badan ayaanay ku waayeen lacag gaadhaysa 28 milyan oo doolar oo baanka lagu soo shubi lahaa ayaa meelo kale lagu shubay, Hadii xeerarkaasi diyaaryihiin lacagtaa waxaa lagu soo shubi lahaa baanka dhexe, waxaana ka mid ahaa lacagahaas lagu shubi lahaa lacagaha gargaarka.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray “baananka la tebayo waxa ka mid ah baanka ganacsiga baanka horumarinta, magaalada Wajaale dhinaca Itoobiya waxa ku yaalla illaa lix baan dhinaceennana hal baan kuma yaal,markaa sidaas darteed waxa loo baahanyahay in xeerarka baananka la dhamaystiro waxyaabaha uu baanka dhexe ku shaqayn karo ee u baahan in la xoojiyo waxa ka mid ah lacagta shilinta Somaliland waxa kale oo loo baahanyahay in baanku uu yeesho awooddii dhaqaale waana in baanka yeesho elsi.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply