Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacbi weynaha Somaliland ka tacsiyadeeday, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee saxafigii caanka ahaa, marxuum Yoonis Cali Nuur.
Marxuum Yoonis Cali Nuur, oo mihnadda saxaafadda ku jiray muddo ku siman 45 sannadood, ayaa madaxweynaha Somaliland ku sifeeyey suxufi ruug-caddaa ah oo ka baxay bahda sxaafadda Somaliland iyo guud ahaan ba inta ku hadasha afka Soomaaliga, isla markaana ka tagay taariikh ma guuraan ah.
Sidaana waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Weriye Yoonis Cali nuur oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/07/2018, dalka Ingiriiska.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suxufi ruug-caddaa ah oo ka baxay bahda sxaafadda Somaliland iyo guud ahaan ba inta ku hadasha afka Soomaaliga, isagoo marxuumku ahaa muddo dheer suxufi u adeega bulshadiisa, una ahaa tusaale ku dayasho mudan, kana tegay taariikh ma guuraan ah.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Dawannews Hargeysa office





















