Wasiirka Gaashaandhigga oo Taakulo Kala Wareegay Madaxda Gobolka Sallel

0
309

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), ayaa kaalmo loogu talo galay ciidamada qaranka ee ku sugan jiidda hore ee xuduudaha Somaliland, gaar ahaan aaga barri ee Tukaraq kala wareegay masuuliyiinta maamulka gobolka Sellel.

Kaalmadan ay madaxda iyo masuuliyiinta gobolka Sellel ugu deeqeen ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee jiida hore, ayaa ka koobnayd 626 (lix boqol, labaatan) neef oo adhi ah, 12 (laba iyo toban) neef oo Geel ah, 500 (shan boqol) oo kiish oo milix ah iyo 150 (noqol iyo konton) kiish oo Bariis ah.

Deeqdan oo ay wadeen masuuliyiinta ugu sarraysa gobolka Sallel oo uu hor kacayo gudoomiyaha gobolkaasi mudane Mawliid Maxamed Nuur, xubno ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Saylac iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha gobolka Sallel Mawliid Maxamed Nuur oo isagu ugu horrayn halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyay tirade iyo noocyada ay ka kooban tahay kaalmadan ay ugu tallo galeen ciidanka qaranka Somaliland, waxaanu sheegay in ay muhiim tahay in si weyn loo garab istaago ciidamada qaranka.

Guddoomiyaha gobolka Sallel Mawliid Maxamed Nuur, waxa kale oo uu sheegay in gobolka Sallel uu madaxda ka yahay uu dhawaan uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa xaalad adag, kadib markii ay soo wajahday duufaantii Sagar ee ku dhufatay deegaanada xeebaha Somaliland, taas oo khasaare baaxad leh u geysatay bulshada deegaankaasi.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Abbaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaaax) oo aad ugu mahad celiyey shacabka iyo masuuliyiinta gobolka Sallel oo si weyn uga qayb qaatay taakulaynta ciidanka Qaranka ay tahayna in aad loogu daydo kaasi oo si gaar ah u bogaadiyey bulshada ku dhaqan gobolkaasi oo uu sheegay in iyagoo dhawaan uun ka soo baxay duufaano iyo dhibaato ay hadana is-garab istageen ciidaanka.

Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Somaliland Marwo Yurub Abiib taasi oo sheegtay in dhamaan shacabka ku dhaqan guud ahaan Somaliland ay tahay si weyn in ay u garab is taagaan ciidamadooda ku sugan jiida hore ee Tuka-raq waxa kale oo dhambaal hambalyo ah u dirtay shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Sallel.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiir ka gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo halkaasi ka jeediyey hadalo kala duwaan oo iskugu jira mahad-naq iyo baaq uu u diray shacabka gobolada Awdal iyo Sanaag kaasi oo sheegay in wali si weyn loo tabayo taakuladii ciidamada qaranka ay ku garab-gali lahayeen waxaanu tilmaamay in si weyn loo sugayo labadaasi gobol, Geesta kale waxa uu halkaasi aad ugu mahad celiyey gudoonka iyo shacabka gobolka Sallel kaasi oo tilmaamay in wakhti dhaw ay ahayd markii ay ku dhufatay duufaantii SAGAR taasi oo wax yeelo weyn u gaysatay dad iyo duunyo kala duwan oo ku dhaqan deegaanada xeebaha Somaliland waxaanu tilmaamay in aysan taasi ka hor istaagin in ay taakuleeyaan ciidankooda ay tahayna in si weyn loogu habalyeeyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply